MAQAAL XAQIIQ SHEEG AH:-Faa’iidadii Federaalka Ma Falalkaanaa?

24058027Allaa mahad  lahoo mudan amaan- -waana loo magane, Rabbi baa macbuud xaqqa ahoo –—–muran la’aaneede,

Rabbi baan midnimadiisa ————–uga marag kaceeynaahe,

Rabbi baan tashbiih naga mudnayn ––amase miisaale,

Nabbigaa(scw) mutaabaco leh iyo———–maxabo dheeraad ah ”.)abshir bacadle(AUN).

 

Waxii ka dambeeyay bur-burkii dowladii kacaanka ,Dalka soomaaliya waxuu  umuuqday mid ay maamulahayeen  islamar ahaantaana  rog-rogayeen   xaaladahiisa dhaqan –dhaqaale,siyaasadeed iyo amni wadamo shisheeye  oo ku  muraadsanaya  dagaal oogayeel huwan heeyb qabiil ,iyadoo ay sidaas tahay waa tii  mar qura lagu waabariistay nidaamyo islaami  ah oo dalka meelo kamid ah ka hanna qaaday,laguna diirsaday,waxayna dus kabixiyeen ooy duuflaaleen  qabyaaladii ladugsanayay,dadkuna waxay dib ubilaabeen daris wanaagii ,waxaama la door biday ku dhaqanka iyo kukala bixida kitaabka alle iyo sunnada nabi muxamed(SCW).

Arinkaasna waxuu  damqiyay dareenka dunida oo diidmo iyo dagaal kala hortimid haba ugu daraadeeno wadamada deriska ah (itoobiya iyo kenya) iyo inta danwadaagta(stake holders)kula ah ladagaalanka dadka soomaaliyeed iyo diintoodaba.

Ugu horeyn waxay aas-aasteen kooxdii loogu yeedhi jiray kooxda caalamiga ah ee la xidhiidhka soomaaliya(international contact group)si taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba loogu hello ,xabashida iyo ciidamada Amisom ee loo diyaarinayay dabargoynta kudhaqanka shareecada islaamka iyo ussxabaalka ehelkeeda ,ugu dambayntiina waxaa la ansixiyay wax loogu yeedhay dastuurka federaalka oo lagu daah furay in dalku ahaani doono mid dowlad wadaag  qabiil kusalaysan ah (tribe based federalism),waxaana cadaatay in markan farta lala helay boogtii soomaalida (qabiilka)ayna sahlantahay sida loo laxawiyo.

Maxuu yahay  federaalku?

Inta aanan uguda gelin maxalu shaahidkayga waxaan jeclaystay in aan wax yar akhristayaasha ka xasuusiyo federalismku iyo waxuu salka ku hayo.

Caadi ahaan inta badan nidaamyada cilmaaniga ah waxay ku dhaqmaan amaba raacaan dalalkoodana ku hagaan  saddex hab midkood  ,waxayna kala yihiin:-

1.UNITARY STATE:-waa nidaam ku dhisan dowlad mid ah ,kaasoo dalka oo dhan hal meel laga hago si layskugu hayo ummad  balaadhan , waana kan wadamada ugu badani ay raacaan ,waxaana dalalka  ku dhaqma kow ka ah ingiriiska oo isagu kakooban afar dowladood oo kala ah:-England,Wales,Scotland, iyo Waqooyiga Ireland(northern Ireland)la iskuna yidhaah biritinta weyn(great Britain)

2.Confederation system:-waa nooc aan aad ubadnayn ooy raacaan wadamo kooban waana mid lagu kala aragti duwanyahay qolo walbana si u adeegsata ,qaar waxay ka  ag dhoweeyaan   habka  urur goboleedka(inter governmental),kuwaasoo leh isgaashaan buursi iyo iska war hayn/xidhiidh.

3.Federal system(dowlad wadaag ah):waa nidaam uu leeyahay dal ka kooban maamul goboleedyo midkastaaba iskii isku maamullo ,laakiin waxyaabaha qaar lawadaaga dowlada dhexe, waxaana inta badan loo adeegsada dad kulubkaan iyo isu keen ah oo ku kala duwan dhaqanka,afka iyo diimahaba si ay wax uwada qabsadaan isuna qadariyaan ,tusaale ahaan dalka maraykan ayaa kamid ah wadamada ku socda habka noocan ah ,balse federalka wadamada afrikaanku adeegsadaan ayaa ah mid ka duwan kan mareeykanku isticmaalo maadaama afrikaantu ay kusaleeyaan;

b) qowmiyado:- sida itoobiya( inkastoon anigu aaminsanahay in itoobiya ay tahay ahaana jirtay nidaam boqortooyo,haatana ay lawareegeen tigreegu  qowmiydaha kale ay iyagu gumaystaan ,waxaan tusaale usoo qaadani karaa 62da general ee ciidankoodu kakoobanyahay oo lasheego in 52 kamid ahi ay tigree yihiin ,jagooyinka kalena warkood iskaba daay!).

t)Qabaa’il/gobollo:-sida soomaaliya .

Soomaaliya ma ku haboonayd federal nimo?

Waa su’aal mug weyn ,haddiisa aan aragtidayda iyo aqoontayda uga jawaabo waa MAYA sababtoo ah dadka soomaaliyeed  waa kuwo Diin,Diir/midab iyo Dibno/af intuba wadaaga ,ayna adagtahay in laka saaro,sida kaliya ee lagu kala sooci karana waa un heybta amaba qabiilka iyo qabyaalada ,oo ah midka haatan socda ku dhaqankiisana lookala birmanayo,waxaa tusaale noogu filan bayuurtii xassan sheikh iyo xulafadiisa ka raacday booqashadii dalka mareeykanka halkaasoo ay noqotay in beelaha qaarna soo dhaweeyaan qaarna ku mudaharaadaan waxaana meeshaasi ku bur-burtay sheegashadii ahayd qaranimo mar haddii qabiil –qabiil loo kala durbaan qaatay oo qabyaaladu noqotay mid aan la qarsanaynin !.

Federaalku maxaa faa’iido ahoos uyeelan karaa soomaaliya?

Shakhsiyan Markaan  si cilmiyaysan u  eego nidaamkan  waxaan ku tilmaami karaa  mid  gumaystuhu oogu talla galay in dadka soomaaliyeed ay dib ugocdaan dagaaladii sokeeye iyo dirirtii qabiilka waxaana  odhan karaa majiro wax faa’iido ahoos usoo kordhin karo dalka iyo dadka soomaaliyeed ,kaliya waxaa laga filan karaa dhibaatooyin  aan ku soo koobi karo sidatan:-

1.kala qoqobnaan :-maadaama qollo ama beel walba la yidhi deegamadeeda ha maamusho waxaa imaani in laka irdhoobo oo urug hore  iyo anaa meeshan ab iyo isir ulahaay iyo adaa iska yidhi  la isulasoo baxo ,kadibna albaabada laka oowdto oo xitaa la isu naqraaci waayo daaqa iyo biyahana la isu diido waaba haddii aan dagaal laysugu diir-diirina.

2.muran xuduudeed iyo soohdin riix:-haddii layidhaah nin wallow  dhiso maamul goboleed waxa ugu horeeya ee imaanaya ayaa ah baaxada uu yeelanayo iyo goobaha uu maamulkaasi kubaahayo taasoo keeni karta isku dhac iyo is afgaran waa xagga soohdimaha ah oodadka soomaaliyeed soo kala dhex gallo  wayna adagtahay in laka calaamadeeyo maadaama dadku isku filiqsanyahay lana wada deganyahay amaba la isu doolaalo.

3.degmo badsi:-kol haddii uu tartan yimaado waxaa iyana lama huraan noqoni in beel walba tuuladeeda tidhaah waa noo degmo amaba gobol si ay ukala tirsato qabiilada kale ,una hesho tiro xil dhibaano ah ama jagooyin kaleba  ,taasoo keeni karta in dalkuba ay degmo uhooseeyso oo lawaayo tuullo iyo buullo amaba beeralay toona ,tanna waxay adkaynaysaa gaarsiinta miisaaniyada iyo adeegyada bulshada.

4.isximin iyo isxasid:-gobbolad dalku kheyraadka umawada sinna ,qaarbaa dekado leh,qaarna shidaal baa ku duugan ,qaar waa daaqsin ,qaarna waa duur cidla ah ,kuwa wabiyo baa dur dur-durayo halka in kalena ay dooxooyin yihiin sidaa aawadeed waxaa dhici karta in laysku mari waayo  qaabka loo qeybsanayo amaba wadaagayo dhaqaalaha kasoo xerooda ilaha waxsoosaarka,waxaa macquul ah in  gobolada hodanka ah ay gadoodaan oogaashaanka ku dhuftaan in dhaqaalaha kayimaada deegaankooda ay gobollo kale oo reero kale degaan wax ka munaafacaadsadaan.

5.isusocodka oo adkaada:-haddii nidaamkaasi dhaqan gallo gobol kastaa waxuu yeelanayaa taarko gaadiid oo ugaar ah ,waxaana suuroowda in baabuurtu iyo dadkuba  isaga kala gooshi waayaan gobollada dalka oo dhan sababa la xidhiidha aqoonsiga ay wataan,maadaama isku dhacyo qabiil ay jiraan .

6.Aqoonyahan ka  aruursi:-mar haddii qabiil qabiil bilaawda waa nin waloow iyo dadkaa mana sahlana in  dhakhaatiirta,bareyaasha iyo xirfadlayaasha caafimaad ay ka howlgalaan gobol ayna udhalanin ,taa badelkeedana waxay ku koobnaanayaan meesha ay heeyb ahaan kasoo jeedaan,waxaan haatanba aragnaa wadaadadii iyo aqoonyahanadii qaarkood oo hilibku qaaday ! .

7.shisheeye adeegsi:-sida haddaba muuqata qoloba qolada kale ayay u bir tumanaysaa waxaana la isu adeegsanayaa shisheeye ,si midba midka kale umaquuniyo .

Maxaa xal ah ?

Mar haddii aan durbaba guranayno midhahiisa federaalka oo noqday in qabiil-qabiil iyo qoys qoys loo kala qaraabto,qarkana loo saaranyahay in laysku qalab qaado oo qacda layska galiyo dhiiguna qubto ,waxaa ila quman inaan qaadano qowlka eebbe oon qubno qodobada gaaladu noo qortay intaanan qar ka dhicin ,ileen hadhoow qoomamo wax inoo qaban mayso oo waxa qaxootiga iyo qaxarka nabaday waa un qabyaaladii iyo qurunkii aan qarniyada soo quudanaynee!.

Guntii iyo gabagabadii waxaan odhan lahaay “dugsi maleh qabyaaladi waxay dumisa mooyaane”.diintana waa inooga digtay mana ogola in lakala sareeyn sheegto ,waxa kaliya ee lagu kala laandheeraysanyahayna waa taqwada eebbe(SWT) eel eh:
اٍن أكرمكن عند ألله أتفاكم

Suubanuhuna (CSW)waa kii lahaay من أبطاْ به عمله لم يسرع به نسبه  waxaana xaqiiqo ah waxii kitaabka Alle iyo ku dhaqankiisa lagu waayo inaanan marnaba lagu helaynin qabiil(4.5) iyo wax lamid ah toona ee intey goori goor tahay ruuxii iimaan iyo caqli usaaxiib ahi  ha  iskaga hadho doonidan sii degaysa ee shisheeyuhu dalawga ka tuuray hana  iskagana hadho qabyaalad iyo qaribkeeda.

Ugu dambayn waxaan ku soo oodi lahaay hadalkayga aayadan qur’aanka ah oon isleeyahay waa mid eebbe(SWT)nagu hogo tusaaleeyay halka uu ku jiro horumarkeena aduun iyo keena aakhiraba inkastoo ay dhici karto iney dadka qaar dhahaan mowduuca lama xidhiidho haddana nin iyo fahamkii :-

ألدين يتبعون ألرسؤل ألنبي ألاْمي ألدْي يجدونه مكتوبا عندهم في ألتوراة وألاٍنجيل  يأمرهم بألمعروف وينهاهم عن ألمنكر ويحل لهم ألطيبات ويحرم عليهم ألخْباٍث ويضع عنهم اٍسرهم وألاْغلال ألتي كانت عليهم فألدْين ءامنو به وعزروه ونصروه وأتبعو أْلنور ألدْي أنزل معه وأؤلئك هم ألمفلحون.157سورة ألاعرأف

Haddii aan diidno amaba durno ku dhaqanka shareecada islaamkana waxaan filanaa un sagaal qabiil goboleed(Somaliland,puntland,galmudug,ximin iyo xeeb,hiiraanland,jubbaland, bay iyo bakool land , shabeelooyinka state,iyo banaadir state) oo midkastaa uu sutida uhayo kaabo qabiilna kayahay  heeryadii cunne aan cidna urooneeyn ,labba laba u uur fayoowna aan la arkaynin ,shisheeyuhuna sheeda nooga wiirsanayo.

Ilaahay nama tuso! Aamiin.

W/Q:-Ustaad C/risaaq Macalim

2266142622660602E-mail:-muftisare@gmail.com