MAQAAL: FAGFAGTA FRANCE FASHIL BAA KA DAMBEYN .Qore:-Garyare.

24059327

Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

Dalka Fransiiska, oo isu arka inuu yahay awood jirta, wuxuu isku tiriyaa inuu yahay dalka Afraad marka laga eego xagga awoodda dhaqaalaha. Wuxuu kaloo ka tirsan yahay waxa loogu yeero golaha ammaanka, United Nations Security Council, kana mid ah dowladaha leh codka xaaraanta ah, ee wax lagu muquuniya  loona yaqaan vita power, wuxuuna ka mid yahay isbahaysiga nato.

Fransiisku wuxuu ka mid yahay waddamadda Yurub ee aaminsan inay qayb afrika ah iyo dunida muslimka iyagu aay leeyihiin maadaama aay horey u gumeysteen ugxanna ku soo aasteen. Wuxuuna mar walba ku hayaa xaalufin iyo dhaqaan baabi’in, isagoo kuwa uu meesha uga soo tegay ku qanciya inay mar walba yihiin qoys Faransiis ah, isaguna garab taagan yahay haddii kursiga maran oo aay ku fadhiyaan loo soo hanqal taago.

Waxaa soo if baxaysa in isku haleyn badan oo uu ka qabay waddammada aan soo xusay aay meesha  kasii baxayso dhowr arrimood dartood:

DIB U DHACA xagga SIYAASADEED EE KA SOO WAJAHAY dhanka LUUQADDA IYO DHAQANKA.

Fransiiska keliya maaheyn waddamada qorsheystay inay iyagu leeyihiin dunida Muslimiinta iyo Afrika, ee isna waxa jira dalka  boqortooyada Ingiriisku isna waa mid ka mid ah waddamada aaminsan in waxa loogu yeero dunida Saddexaad aay tahay hanti meel u taalla oo lama taabtaan ah.

Waxaa dhamaadkii qarnigii hore isbeddel siyaasadeed iyo mid dhaqanba ku yimi, meelihii uu Faransiisku aaminsanaa inay isaga xero ugu jiraan kana mid ahaa qoyska afka Faransiiska ku hadla ee loo yaqaan ’Francophone’. Qoyska la yiri waa Francophone waa qolyihii kala jinsiyadaha ahaa ee aayan jirin wax luuqad guud  oo aay isku fahmaan, sidaa darteed dhaqan baabi’in lagula kacay ayaa magacaa loogu yeeray, laakiin waddamadda Carabta ee iyana ka mid ahaa waddamada uu Fransiisku gumeystay kuma jiraan qolyahan loogu yeeray Francophone, ee luuqadda Carabiga ayaa dadku isku fahmaan badankood, marka laga reebo dad ku hadla luuqado kale oo aay Barberka iyo Xawsuhu  ka mid yihiin

Waxaaa dhacday in lala wareego qaybo dalalkaas ka mid, kuwaasoo ah congo/Zaire, rwanda  iyo weliba brundi oo aan hadda iyana ka mid ahayn qoyska Faransiiska afkiisa ku hadla, ka dib markii aay saameyn weyn ku yeesheen qolyo ka mid ah qoyska afka ingiriiska ee ’anglophone’, ku hadla, sida dowladda uganda iyo tanzaniya oo aad mooddo hadda inay gacan weyn ku leeyihiin arrimaha siyaasadda iyo ciidammada waddamada Congo, Brundi iyo Rwanda.

Qaaradda Africa oo markii hore gumeysigu u kala qaybiyey laba qaybood magacyana u kala yeelay ayaa Faransiiska waxa u soo baxday in qaybta Afrikada Madow, looguna yeero Sub-sahara africa, in aay muuqata in dhammaan meelihii uu Faransiisku qaybta u helay aay ka baaba’ayso dhaqankiisii iyo luuqadiisiiba, taasi waa waxyaalaha dabada ka riixaya in Faransiisku uu si dhega la’aan ah isugu soo maqiiqo meelaha uu hadda sheegay inuu arrimahooda ku xallinayo gacan militari. Siyaasiyiin iyo raga aqoonyahanno u badan oo Faransiis ah ayaa waxay qabaan fikradda ah in la soo cesho waddo kasta ha loo maree wixii la isku oran jirey bahda Farancophone, haddii kale wax qaybsigii iyo qorshihii Faransiisku ku lahaa caalamka meesha ayuu ka baxayaa, taasina ma ahan wax la qaadan karo, waxaana muuqata in dowladda hadda jirta ee uu madaxda ka yahay François Gérard Georges Nicolas Hollande aay la kulmayso cadaadis badan oo kaga imaanaya wax garadka iyo dadka reer Faransa.

Mashaakilaadka hor taagan siyaasadda cusub ee faransiiska kuna wajahan afrika.

Sida aan horey u xusayba Faransiisku wuxuu hadda tafa xaydasho weyn ugu jiraa sidii uu u soo ceshan lahaa xoolihii uu markii hore baadida u haystay ee hadda u muuqata in laga faramaroojiyey, iyo ummaddii uu xerada ku xereystay uguna yeeray bahdiisa Francophone. Tallaabooyinka uu hadda qaaday waxaa ka mid ah isagoo xodxodosho siyaasadeed ugu jira sidii uu mar labaad maskaxda iyo maankaba uga dhiqi lahaa qolyaha hadda hor taagan waddamadii uu gumeysan jirey isagoo ku sasabanaya inay aay yihiin kuwo fahmaya ama ku hadla luuqadiisa aayna adag tahay in qolo cusub oo luuqad cusub iyo dhaqan cusub wadataa lala macaamilo, taasina waxa aay sababi kartaa in dadka ku hadla luuqadda Faransiisku aay meesha ka baxaan awooddana dhumiyaan sida ka dhacday waddamadda Bartamaha afrika, Brundi, Congo iyo Rwanda.

Waddamada iyo shucuubta uu Faransiisku gumeystay, waxaa dad badan ka aaminsan yihiin inayan marnada helin xornimo taam ah, Farnsiiskuna yahay kan ugu miisaanka liita gumaystayaasha caalamka soo marey, taasoo caqabado iyo diidmo badan kala kulmi karo waddamadaas iyo shucuubtoodaba, iyagoo xilligan la joogo aay jirto wacyi koror ka jira shucuubta uu Faransiisku meesha ku xereystay, laakiin aayan hadda muuqan xero gashi dambe.

Siyaasadda Faransiisku uu hadda qaatay waxay la mid tahay tii uu qaatay Mareykanku, qarnigii 19aad bilowgiisii, siyaasadaasna waxa la oran jirey American manroe doctrine. Doctrine Manroe, waxay ahayd ama diyaariyey madaxweynihii Mareykanka ee la oran jirey James Manroe, waxay ka tarjumaysay ama diidaneyd jiritaanka awood aay Yuriyaanku ku yeealan karaan qaaradda Ameerika, gaar ahaan Ameerikada Koonfureed, Latin America, wuxuuna qabay aragti ah in Waddamada Spain iyo Portuqal laga xoreeya qaaradaa inteeda kale si aan wax dowlad Yurubiyaan ahi aayan qaaradda macno weyn iyo miisaan siyaasadeed ugu yeelan. Doctrinekaas waxaa isna la qabay dowladda Ingiriiska oo gacan weyn ku siiyey, waana lagu guuleystay oo Spain iyo Portuqal meesha ayaa laga saarey.

Inkastoo labada aragti aay kala duwan yihiin, marka laga eego xagga Taariikhda iyo Deegaanka, haddana Faransiisku wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaya inuu mar labaad soo ceshado xisaabtii uu horey isugu dhufsaday laakiin qaladkeedii soo baxay. Waxaa aad u kala fog aragtida iyo dareenka aay qabeen dadka reer Laatiin Ameerika iyo kan aay hadda qabaan dadka reer Afrika ee la doonayo in Manroe Doctrine lagu fuliyo. Dadka Laatiin Ameerika iyagaa qabay inay Spain iyo Portuqaal ka xoroobaan, oo waxay ahaayeen dadkooda wax fahmayey kuwo soo dhaweeyey ama u riyaaqay qorshahaa Mareykanku waday, meesha dadka reer Afrika aay hadda rabaan in Faransiiska iyo dhaqan xumadiisa aay iyaguna hadda ka xoroobaan, macquulna aay tahay cid walba oo qorshaha Faransiiska ka hor imaan karta in la taageero, waxaana jira oo hadda arrinta Faransiiska sii fashilinaya tartanka dhaqaaleed ee ka dhex aloosan Shiina iyo reer Galbeedka iyo sidoo kale kacdoommada isugu dhafan mid diimeed iyo mid  waddaniyeed.

La soco qaybta labaad.


وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)

23962252