Sida la wada ogyahay gaalada caalamka ee isbaheysatay, waxa ay isku dayeen in mar uun Soomaalidu u gacan gasho laga soo bilaabo illaa Axmed Gurey illaa maantadaan. Wax kasto oo ay isku dayeena waa ku fashilmeen. Markii ay ku guul dareysteen dulaanadii qaawanaa ee ay inagu soo qaadeen, ayay shirar ay yeesheen waxa ay isweydiyeen maxaan Soomaalida dhinacooda dhulka u dhigi la’nahay? Waxaa u soo baxay in Soomaalidu tahay dad is caawiya , ganacsigana ku fiican, kheyraad dabiiciyana leh sida beeraha iyo xoolaha. Markaas ka dib ayay waxa isku raaceen in Soomaaliya inta ay dhaqaalo heysato aan laga adkaan Karin.
Waxay bilaabeen meel kasto oo xoolo Soomaalida looga jeedo in la baabi’iyo. Suuqii Bakaaro waa lakala diray, dekaddihii iyo garoomadii iyagaa la wareegay, dhulkii tacabka iyo beeraha African calooshood u shaqeystayaal ayaa loo diray si ayna wax u soo saaran. Xitaa meelahii Soomaaliya ka baxsanaa ayaa lagu bilaabay baabi’inta iyo curyaaminta dhaqaalaha Soomalida sida Kenya, iyo Koonfurta Suudaan.
Hadda waxaa u haray oo keliya waa xawilaadaha, waana Sababta Cabdisalaan Hadliye loo keenay. Ninkaan waa nin muqaalka Soomaali ka ah laakiin maskax gaalo ku rakibantahay. Waxaa uu mudo badan isaga iyo qubaro gaalada dhiiqmiradka ee WorldBank ay research (dabagal dheer) ay ku sameeyeen Xawalaadaha Soomaaliya, sida ay u shaqeeyaan, dhaqaalaha soo gala iyo sidii cagaha la iskugu dhifan lahaa. Mr.Cabdisalaan Hadliye waxaa uu ribada iyo dhiigmiitada u qaabilsanaa Bankiga Adduunka, isagoo wadamada Asianka ee masaakiintaa sida Indonisia deyn badan soo geliyay.
Hadda maxaa Soomaalida loogu keenay? Sida ay aaminsanyihiin Soomaalidu waxa ay mareysaa meeshii ugu dambeysay dhaqaalo burburinta si jilbaha dhulka loogu dhigo hantidoodan loo dhaco inta hartay. Waxaa Soo dhamaaday baaritaankii dheeraa ee xawilaadaha waxaana la rabaa in Wax lagu sheego Bankiga Dhexe la abuuro ka dibna la yiraahdo isaga keliya ayaa shaqeynayaa irdahana xawilaadaha loo laabo. Waxa kale oo ninkaan loo keenay waa in uu Soomaali deyn magac u yaal ah uu Qoorta u geliyo, iyadoo la ogyahay in deynta uu Bangiga Adduunku uu Soomaaliya ku leeyahay ay tahay 4 Billion Dollar. Deynkaan waxa qaatay dowladdii Siyaad Barre mana dhameyn 600 million, intaasna waa ribo iyo dulsaar iska socota.
Waxaa kaloo ninkaan loo keenay in lacag been abuur ah la soo daabaco kadibna ugu soo dhaco hantiga dadka gacantooda ku jirta. Sidii maato caano leh looga dhigay Liberia ka dib markii lacagtoodii laga aruursday looguna bedelay lacagta dollarka, dollar yaa heli karo waxaa heli kara dad yar keliya, dadkii inta soo hartayna wax ay wax ku gataan ayay waayeen illaa ay hogaansameen ama isdhiibeen. Sida la ogyahay gaalada adduunku ma ogola in cid aan iyaga raacsanayn uu hanti yeesho, sidaas ayaa la rabaa in lagu xaalufiyo dadka wanaagsan ee Soomaaliyeed xoolahooda. Ka dibna reer galbeedka iyo dabadhilifyo ayaa wadanka maal gashada la leeyahay inta deyn la siiyo. Maalgashadkaas oo u badnaandoona kuwa ummadda lagu fasahaadinaayo sida hadda Xamar ka bilaabatay ee baarar iyo hotelada lagu caweeyo, qamradana lagu cabo ay dad magac Soomaaliyeed wada loogu furay, iyagoo iska dhigaya in ay hantidaas leeyihiin.
Hadda Wadanka badankiis maciishadii ayaa cirka gashay, iyadoo dekedadii iyo garoomadii loo fariistay, goboladii wax soo saarkana dagaalo lagu furay, haddii xawilaadaha loogu daro maxaad is leedahay?
Ummadda Soomaaliyeed waxaa ku soo socda shirqoolo aad u adag, haddii aanay cadowga u midoobin, jihaadkana ay ka qeyb gelin maalin kale ayay arki doonaan iyagoo duleysan lana raranayo waxna ka qaban Karin.
Abuu-miqdaad.