KACDOON SHACAB IYO MOQDISHO:-Moqdisho ayaa qarka u saaran inow ka dhaco kacdoon shacab ka dib markii maalmo kooban xabsiyada sirdoonka la isagu geeyay dhowr kun oo qof ka dibna la sheegay inay iibsanayaan saraakiisha maleeshiyaadka!!

24043684Waxaa dhibaato xoogan lagu hayaa dadka ku nool Moqdisho waxaana ku haya maleeshiyaadka Dowlada Federaalka,waxayna intooda badan ka buuxaan xabsiyada sirdoonka Moqdisho,kuwaas oo la sheegayo in la weydiistay lacago laga rabo qof walba oo laga daynayo xabsiga.

Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in kumanaan shacab Muslimiin ay xabsiyada u taxaabeen ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyagoo taageera ka helaya ciidamada shisheeye ee caasimadda ku sugan.

Boqolaal shacab ah ayaa maanta laga qabqabtay xaafadaha degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir,goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in  dadka laqabqabtay ay u badanyihiin Ardayda waxka barata goobaha Waxbarashada iyo ganacsatada deegaanka.

Waxaa dadka Moqdisho la yaabeen in dadka xirayo la leeyahay waa Shabaab iyo wixii la mid taaso oo dowlada iyo sirdoonkeedo sheegeen in Moqdisho amaan ka tahay  Shabaab,laakiin waxay hada ogaadeen in qof kasta oo Sunno ka muuqato ay  ku sheegaan inow Shabaab yahay,taaso ah been aan raad lahayn,waana mid keenaysa inay go’aan qaataan dadka Moqdisho ku nool.

Waxaa la sheegay in qofka ugu yar lagu iibsanayo 500$,waxaana lacagtaas qaata Kaabo Mooryaanta,sida  Khaliif Ereg,Bariise,Maalin,Shariif Sheekhuna iyo kuwa oo kale oo badan,waxaana arinkaas aad uga carooday dadka ku nool Moqdisho,oo la yaabay dhaqanka xun Maleeshiyaadka  Dowlado la soo baxeen.

Waxaa jira wada hadalo u socda beelaha Moqdisho degan,kaaso la sugayo in maalmahan ay ka soo baxaan go’aano ka dhan ah Maamulka Xasan Garguurte  iyo kuwa Kaaraha ku sida  ee Amisom.

Ma ahan Moqdisho meel laga yeeli karo sida la rabo,waxayna caan ku tahay inay iska rogto heeryaha gumaysiga iyo kuwa dabadhilifka u ah.

Maamulka Villa Somalia oo ah mid daba dhilif u ah kuwa inay Somali gumaystaan ayaa la kulmaya naceyb iyo lagu sheegayo inow yahay maamul doqon ah oo aan dad wax u qaban karin,sidaas dardeed ay dadka Moqdisho xaq u leeyihiin inay iska dul qaadaan.

Xasan Garguurte  ayaa si xun loogu banaanbaxay  isaga oo safar ku tagay wadanka Maraykanka waxaana ku banaanbaxay Somali si weyn u diidan,kuna shaagay  inow maamul u yahay Moqdisho oo kaliya,waxaana meeshaas ka soo baxaya in  Xasan Garguurte oo yahay nin aan meelna maamulkeeda haysan.

Banaadir Post.

24044027