VIDEO:-“Safarka Xasan Sheekh waa mid aan laga fiirsan oo lagu deg degay maxaa yeelay Obama weli lama dhaarin” Waxaa yiri Cali Khaliif Galayr.

24007597Cali Khaliif Galayr oo dhawaantaan u waramayay telefefishinka Somali Channel asagoo ku sugan magaalada London ayaa waxaa uu sheegay in booqashada madxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ee dalkaas Mareykanka ay tahay mid aan laga fiirsan oo lagu deg degay asagoona sheegay in  Barack Obama aan wali dhaarin islamarkaana aan la aqoon cida loo dhiibi doono jagooyinka sidaas awgeedna ay Xasan Sheekh  iyo wafdigiisu aan la aqoon cida qaabili doonto waxa ay yihiin asagoona ku sheegay inay booqashadaas ay u muuqato mid ay codsadeen madaxweynha iyo wafdigiisa islamarkaana markii boos loo waayey xilligaan kala guurka ah lagu lugooyey, Sidoo kale ayuu waxaa uu sheegay inaysan jirin waqtigaan cid kale ama madaxweyne kale oo aduunka ka socdo waqtigaan booqanaayo dalkaas Mareykanka taas oo uu ula jeedo inay Xasan Sheekh  iyo wafdigiisu ay ku yar tahay waaya aragnimada dibolomaasiyeed.

Waxaa qaabilay oo ay arkeen ilaa hada  Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee Afrika, Johnnie Carson ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh uu maanta oo Khamiis ah la kulmi doono xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, welina lama kulmin.

Johnnie Carson ayaa sheegay in Xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya oo hada wanaagsan yahay taaso macnaheedo yahay waa naqaan Xasan Sheekh,maxaa yeelay horey ayuu noola shaqeyn jiray,anaga ayaana kursiga keenay.

“Xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya wuxuu ahaa mid aad u kala fog tan iyo markii laba diyaaradood oo Mareykanku leeyahay ay kooxo hubeysan kusoo rideen magaalada Muqdisho sannadkii 1993-kii,” ayuu Carson hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu dhaawacay ciidammo Mareykan ah oo lagu jiiday waddooyinka waaweyn ee Muqdisho, taasoo aycaro ka qaadday dowladda Mareykanka sida uu sheegay.

118425_600