QEYLODHAANTA AMISOM MAXAA KEENAY HADA:-Qaylo Dhaan Kasoo Yeertay Amisom oo ku aadan dhaqaalo La’aan iyo waqtigooda oo ka dhamaanaya dhulka Somaliyeed.

23989594Taliska Ciidamada  Afrikaanta ee  dagaalka kaga jira Soomaaliya  oo wakiil uga ah reer galbeedka ayaa ka sheeganaya dhaqaalo la’aan baahsan oo soo wajahday iyo Mooraal jab soo wajahay cidiankooda, waxayna ka dalbadeen reer galbeedka si deg deg ah arrimahaasi in loo xaliyo.

Taliyaha Ciidamada Lugta ee Uganda General Katumba Wamala oo socdaal kormeer ah ku tagay Soomaaliya ayaa baaq u diray dawladaha markii hore sameeyay mashruuca “AMISOM” in ay wax ka qabtaan arrimaha hadda taagan oo la dardar geliyo waxa uu ugu yeeray nabadeynta Soomaaliya.

Maamulka DF iyo maleeshiyaadkooda mooryaanta ah ayuu ku sheegay General Wamala in ay yihiin Caruur hadda soo koreysa oo naas nuugmo ku jirta, sidaa darteed ay xaalad adag geli doonaan haddii la waayo taageerada loo soo marsiinayo ciidamada Afrikaanka.

“Soomaalia (Maamulka DF) waa sidii canug naas nuug ah, waxey isaga baahan tahay wax waliba oo caawimaad ah” ayuu yiri taliyaha Ciidamada Lugta Uganda ee soo booqday Soomaaliya.

Ciidamada Afrikaanta ayaa Boolis iyo Milatari u ah Maamulka DF, halka reer galbeedkuna ay heystaan dhanka sirdoonka, taas oo muujineysa maamulka Xasan Sheekh inuu yahay mid liita oo kaalin uu leeyahay aysan jirin.

Generalka Ugaandheyska ayaa sidoo kale sheegay socdaalkiisu inuu ahaa dhiira gelinta ciidamada Uganda ee Niyadjabsan, kuwaasoo ay inta badan dowladihii wax siin jiray ay ballantii uga baxeen dhaqaalihiina ka gosoteen, kadib markii wadamadoodii ay baahi ka dilaacday.

Banaadir Post.

22401565