AMISOM IYO XASUUQII LEEGO:-Xasuuqii Amisom”GumaadSom” ka gaysteen Leego Shabeelada hoose maxay ugu aargudeen Faransiiskii lagu laayay Buulo Mareer

23989111Ciidamada  AMISOM ayaa shalay dad shacab ah iyo Xoolo ku Xasuuqay deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose oo kamid ah meelaha ay cadawgu  ku duuleen.

AMISOM isku magacaabay laayaan xoolo nool iyo shacab muslimiin ah,goob joogayaal ayaa sheegay in dhimashadu ka badantahay 7 qof dhaawacuna 6 qof.

Cadawga Afrikaanta ah oo ku caan baxay Xasuuqa shacabka ku dhaqan magaalooyinka ayaa hadda u tafa xeytay dadka xoola dhaqatada ah.

Abuu Cabdalla “Waan U aargudi Doonnaa Shacabkii Shalay lagu Xasuuqay Leego”

Sheekh Maxamed Abu Cabdallah oo u waramay Warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo Fool xun oo ciidamadaKuffaarta afrikaantu ka gaysteen deegaano baadiye ah oo hoostaga Leego, Sidoo kale sheekhu wuxuu ka hadlay Howlgalkii Faransiisku ku fashilmay ee ka dhacay gobolka uu waaliga ka yahay ee Shabeelaha Hoose.

Ugu horeyn  sheekhu wuxuu ku bilaabay xasuuqii ay Gaysteen Gaalada Afrikaantu ee ka dhacay deegaanka loo yaqaano Xabaasha xeylow oo hoostagta Leego , wuxuu Sheekhu sheegay in dad reer guuraa ah oo xoolalay ah ay gaaaladu si ula kac ah u weerareen, halkaasina ay ku xasuuqeen dadkii xoola dhaqatada ahaa iyo arday yaryar oo dugsi quraan ku jirtay, Sidoo kale ay laayeen Xoolo faro badan, dhimashada dadka waaligu wuxuu ku sheegay in ay sagaal qof ahaayeen, halka dhaawacuna uu ka badnaa toban qof, sidoo kalena xoolo badan taangiga la marsiiyay,.

Sheekh Maxamed ayaa xusay in dhacdadan iyo xasuuqan aanu ahayn kii u hareeyay ee loo gaysto bulshada ku dhaqan leego, hase yeeshee markii ay soo galayeen deegaanka in ay dileen dad gaaraya todobo qof oo baabaabuur wakhtigaasi ku safrayay oo madfac ay qabadsiiyeen.

23989268