Wadanka Shiinaha oo dhaqaalaha ahaan si weynugu lug leh qaaradda Africa islamarkaana dalal badan ka fuliyay mashaariic lagu qodayo shidaal ayaa si weyn hadda ugu howlan sidii uu saamayn dhanka warbaahinta ah ugu yeelan lahaa guud ahaan qaaradda Africa.
Wargeyska China Daily oo kamid ah kuwa dowladdu maamusho ayaa qaaraffa Africa si weyn loogu baahinayay mudooyinkii u dambeeyay isaga oo ku baxaya luuqado kala duwan oo ay kamid tahay Luuqadda Ingriiska.
China Daily sida lagu sheegay warbixin ay daabacday BBC-da,qaybtiisa Africa waxaa si toos ah diiradda loogu saari doonaan in lagu baahiyo islamarkaana looga sheekeeyo xiriirka Shiinaha iyo guud ahaan dalalka ku yaal qaaradda Africa, Militari ahaan, dhaqaala ahaan dhanka ganacsiga iyo weliba waxbarashada iyo bulshada.
“Xiriirka ka dhexeeya Shiinaha iyo guud ahaan qaaradda Africa waa midka ugu muhiimsan ee ay leeyihiin bulshada caalamka” ayuu yiri mid ka mid ah masuuliyiinta wargeyska China Daily oo lagu magacaabo Zhu Ling.
Dhaq dhaqaaqa Shiinuhu ka wado Africa dalalka sida weyn madaxa ugu ruxaya waxaa kamid ah Kenya, waxaana wasiirka warfaafinta Kenya uu sheegay in wargeyska China Daily uu baahin doono macluumaad dhaxalgal ah oo ku saabsan xaqiiqada xiriirka China iyo Africa.
Shiinaha waxaa uu horaan qaaradda Africa ka hirgeliyay Wakaaladda wararka u qaabilsan Shiinaha ee Xinhua, Tv-ga CCTV qaybta Africa oo xarun ku leh magaalada Nairobi iyo China Radio, kuwaasi oo dhamaantood ka howlgala qaaradda Africa.
Warbixinta BBC-da waxaa Sidoo kale lagu sheegay in Shiinuhu mudooyinkii u dambeeyay warbaahin isaga hoostagta iyo xafiisyo ka furtay wadanka Itoobiya, sidoo kale waxaa uu halkaasi ka hirgeliyay xarumo tababar oo wax lagu baro weriyayaasha ka soo jeeda qaaradda Africa.
Si kastaba ha ahaatee wadanka Shiinaha oo ah saaxiibka dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee qaaradda Africa ayaa u muuqda mid si weyn Mareykanka iyo reer Galbeedka ugula tartamaya Africa iyo weliba wadamada Asia, waxaana sidoo kale Shiinaha uu isku dayayaa inuu afkaartiisa ku baahiyo isaga oo adeegsanaya warbaahin ku hadlaysa luuqadda dadka ay la hadlayaan.
Tv-ga CCTV ee China Central Television, ayaa kamid ah warbaahinta Shiinuhu sida weyn ugu tartamayo, iyadoona la ogsoonyahay inTV-gaasi qay kamid ah lalgu faafiyo macluumaad ku baxaya luuqadda Carabiga taasi oo muujinaysa sida Shiinaha ay u doonayaan inay ka soo muuqdaan masraxyada warbaahinta.
Isku soo wada duubo dalalka Mareykanka iyo reer galbeedka oo dhanka dhaqaalaha, Militariga iyo warbaahintaba isku haystay inay hogaanka u hayaan ayaa u muuqda kuwa baratan xoogan oo dhinacyo badan wajahaya, waxaana warbaahinta sida weyn ciriiriga ugu haya galbeedka kamid ah warbaahinta Islaamiga ah oo mudooyinkii u dambaysa si weyn u soo kobcaysay.
Banaadir Post