VIDEO:-“Waa tahshteen reer Jubaland ee Xamar dadka ka qeylinaya ha naga daayaan carqaladeynta” Waxaa yiri Maxamed Cabdi Gaandi “Ex Azania”.

23938520 Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ah Siyaasiyiinta Jubooyinka iyo Gedo horeyna u ahaan jirey Wasiirkaa Gaashaandhiga DKMG Soomaaliya, isla markaasna ahaa wax  lagu sheegay  Madaxweynihii Asaaniya, ayaa sharaxaad dheer ka bixinaya howlgalka Jubooyinka iyo Gedo siduu kusoo bilowdey iyo sida uu Maamulkii hore ee lasameeyey(Asaaniya) isugu badaley Jubaland.

Gaandi wuxuu Wareysiga oo uu siiyey Somali Chanel ku bilaabayaa Taariikhda Goboladaan, wuxuu kaloo hoosta ka xariiqayaa in Shacabka Gobolku aysan cidna uga heybeysaneyn Aaayahooda, isagoo si cad ugu sheegaya qolyaha Xamar kasoo qaylinaya iney iyagu Xamar mustaqbal Caasimadeed u sameeyaan intey ku mashquulayaan Gobolo dadkoodu u tashadeen.
Gaandi iyo Mooryaan beeleedka reerkiisa waxaa Kismaayo keenay Gumaystaha gayiga Somaliyeed ee Kenya oo ay  gadaal ka riixaan kuwa loo yaqaan beesha caalamka oo dano gaar ah ka leh gayiga Somaliyeed,deeq ahaan iyo in dadka laga dheereeyo inay ku dhaqmaan diinta Islaamka.

Gaandi ayay la noqotay  in gayiga Soamliyeed lagu qabsan karin ciidamo shisheeye ayna horey uga qabsan waayeen kuwa oo diidayo ee Moqdisho ku sugan,kuwaas oo mudo dheer hoos jooga ama saaran Kaaraha Amisom oo Gaandi hada  soo fuulay.

23510058

madoobe-1