Waxaa Maanta Garoonka Magaalada Muqdisho loo diiday inay Shukada Madow la gasho garoonka gudahiisa haweenayda ku magacaaban waxa loogu yeero Wasiirada Hormarinta Bulshada Maryan Qaasim xili ay ku jirtay dad sagootinayay Xasan Sheekh Maxamud “Gurguurte” oo Garoonka ka duulayay,kuna sii jeeday Maraykan si loo soo siiyo awaamiir cusub.
Waxaa is hortaagay ciidamada Amisom oo ka howl gala Garoonka,iskuna inay gacanta la galaan, waxaa la yaabay dadkii arinkaas goobjooga ka ahaa oo dhan,waxay diideen inay arkaan Shukuda Madow oo Maryan caanka ku tahay,taaso aan waliba ahayn xijaab dhamaystiran!!
Ciidanka Amisom iyo kuwa la shaqeeya ee Somalida ah ayaa caan ku ah inay aad u neceb yihiin dadka Sunado ka muuqato, Alaa Towxiidka iyo Towxiidkaba.
Maxay u diideen inay yihiin la haystyaal aan xor ahayn!!