Faroole ayaa shaaca ka qaaday in uu Walaac ka qabo qorshe Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayo in Dastuurka ku tirtiro.
“Waxaan aad uga xumahay oo aanan filayn in aan maqlo, Barlamaanka Federaalka Maalintii dhawayd, markii la xirayay inay ka soo yeertay Afka Madaxweynaha in Dastuurkaasi uusan shaqayn karayn, ee ay noqon doonto in Barlamaanka iyo Dowladu wax ka bedelayaan”
ayuu yiri Faroole.
Waxa uu ka digay inaan dalka dib loogu celin,laguna dhaqmo Dastuurka hadda qoran kaas oo ku Sifeeyey in uu yahay kii lagu doortay Madaxda hadda Xafiiska joogta iyadoona Odayaasha dhaqanka Puntland qaar kamid ah ay Wax ka Ansixiyeen.
“Arrintaasi sidaas ma aha yaan dalka dib loo celin, yaan isku dhac cusub la samayn, sida qoran oo la idinku doortay oo lagu ansixiyay oo odoyaashii Ergada ahaa ee wax ka ansixiyay halkan Caawa fadhiyaan, Ha lagu dhaqmo baan ugu yeeraynaa…”””ayuu yiri.
“Waxaanu sugaynaa oo sida ku qoran Dastuurka Federaalka ah oo dhamaystirkiisa Dowladu sahasho sidii loo dhisi lahaa Dowladihii puntland la mid ahaan ka dhismaan Degaamada kale ee Somalia,dabadeedna sida ku qoran dastuurka,dabadeedna qodobada Dastuurka ee dib loo dhigay ee awood qaybsiga Siyaasadeed,awooda dakhliga dowliga ah,awooda khayraadka dalka qaybsigiisa,intaa marka laga wada hadlo shirar dambe”ayuu yiri
Gababagadii Faroole ayaa sheegay in Carqalada iyo Buuqa laga daayo maamulka Jubaland,dalkana Cagaha loo dhigo isla markaana Shacabka deegaankaas degan loo daayo taladooda!
“Waxaan ugu yeeraynaa in Maamulada hadda madaxa keenay sida maamulka Jubaland oo buuqa badan iyo Ilaaqda Badan lagu furay, Carqaladaha laga daayo oo dalka cagaha loo dhigo, ay dhismaan oo dadka halkaas degaa taladooda lahaadaan”ayuu yiri Faroole.
Faroole ayaa qarka ku saaran in la fara saaro maadama sanad kale ku darsaday inow ku sii fadhiyo kursiga maamulka Puntland.
Banaadir Post.