
Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade ayaa sheegay in dhismaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay waddanka Talyaaniga laga kireeyay Shirkad laga leeyahay waddanka Talyaaniga islamarkaana Xukuumadda Soomaaliya arrintaasi ay soo dhaweysay kadib markii Wasiiradda Arrimaha Dibadda ay gaartay waddankaasi Talyaaniga islamarkaana kulan ay la qaadatay Safiirka Soomaaliya iyo qaar ka tirsan Madaxda dowladda Talyaaniga iyo Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan waddanka Talyaaniga sida uu hadalka udhigay.
Safiirka ayaa waxa uu sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ay ku heshiiyeen in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya labada dowladood raalina ay ka noqdeen howshaas horey lacago loogu qaatay,waxaan arinkaas saxiixay Shariif iyo Nuur Cade oo isku beel ah,waxaa arinkaas la yaabay dadka ku nool Italia gaar ahaan magaalada Roma oo xaalad la socday waligooodba.
Tan iyo markii ay soo baxday in Safiirka Soomaaliya ufadhiya waddanka Talyaaniga uu kireeyay dhismaha Safarradda Soomaaliya ay ku leedahay waddankaasi Talyaaniga ayaa waxaa soo baxayay qaylo dhaan ku aadan Kiraynta Safaaraddaasi taasoo ay ka soo yeereysay Jaaliyadda Soomaalidaa ee ku dhaqanka dalka Talyaaniga.
Xasan Sheekh iyo Saacid Shirdoon ayaa Foowzia kula taliyay inay arinka safaarada faraha kala baxdo oo aysan ka hadal,sidaas daradeed waxaa soo baxaya inay raali ka yihiin waxa ka socda Roma iyo guriga Somalido ku leedyahay via Villini Roma.
Banaadir Post.

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2012/12/03/dhismaha-safaaradda-talyaaniga-ee-soomaaliya-ma-nuur-cadde-ayaa-iskaleh-mise-qaranka-wq-muna-abshir-abdi/
Like this:
Like Loading...
Related