Sheekh Cali Maxamuud Sheekh Cali Dheere ayaa shir ku sheegay in dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay kala qeybsadeen dalka Soomaaliya.Sheekhu wuxuu farta ku goday in labada dowladood ay ku heshiiyeen in ay kala gumeystaan gobolada dhaca Koonfurta iyo bartmaha dalka Soomaaliya.
1-Dowladda Itoobiya ayaa lasiiyay in ay qaadato gobolada Bay,Bakool,Hiiraan,Galguduud iyo qeybo katirsan Gedo.
2-dowladda Kenya ayaa lasiiyay in ay gumeysato gobolada Jubbooyinka iyo qeyb kamid ah gobolka Gedo,Kenya waxay diyaarsatay shirkado shisheeye oo shidaal baarista qaabilsan iyadoona ceelal shidaal ka raadsanaysa dhulka Soomaaliya.
3-Uganda,iyo Burundi ayaa iyana lasiiyay Muqdisho iyo shabeelooyinka.
“Runtii cadawgu waa caddeeyay gumeysiga uu dalka ku hayo qof walba wuxuu akhrin karaa qodobadii kasoo baxay shirkii Addis Ababa ee labada dowladood ku kala qeybsadeen dalka Somaaliya”.
Wuxuu sheegay in Somaaliya ay gashay gumeysi lamid ah shirqoolkii Baarliin 1884,ee gumeystayaashu ku kala qeybsadeen dalka Soomaaliya ee hodonka ah.
Halkan ka dhagayso Shirka Jaraa’id ee Sheekh Cali Dheere MP3
Is Faham Heshiiseed Dhex Maray Kooxda Joint IGAD Committee, Cinwaana Looga Dhigay Xal U Helidda Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Memorandum of Understanding between the IGAD Joint committee for the Grand Stabilization of South Central Somalia