Shakuul oo u Sharaxan Jubbaland!!

23874301Shakuul ayaa ka mid ah ururka loo yaqaan Ictisaam,waxayna saldhigyo ku leeyihiin Nayrobi, Garoowe iyo Xerada Xalane ee Moqdisho oo saldhig u ah wakiilkooda Bashiir Salaad.

Shakuul  ayaa  ah maalqabeen si dhaqso badan ku sameeyay maalka oo ku haysto Nayroobi oo saldhig u ah,wuxuu mudo dheer ku howlana shaqooyin  badan oo dhinacyo badan taabanaya kuwaas oo aan shaqo ku lahayn Diin iyo Dacwo.

Shakuul ayaa isu soo taagay xilka madaxtinimada maamul goboleedka Jubbaland kaaso ururka iyo Igad iyo Kenya ka wadaan Kismaayo!

Shakuul ayaa mudo dheer difaac afka ah ku garab taagnaa duulaanka Kenya ku qabsaday Kismaayo,waxaana la sheegaa inow taageero maal ah siiyay maleeshiyaadka Kenya ku wehliya duulaanka Kismaayo,kuwaas oo lasheegayo inay beel ahaan is leeyihiin.

Ma ahan wax lala yaabo in rag culumo lagu tuhmayo ay gumaystaha u horkacaan dhulka Somaliyeed,magaalada Kismaayo  ayaa sanooyinkii ugu danbeeyay nabad ahayd,waxaana maanta ka taagan dhibaato aad u badan oo dhinac walba taabaynaysa.

 DHAGEYSO Shakuul oo yiri!!

“Kenya Iyo Itoobiya Xaq Ayey U Leeyihiin Jubbooyinka In Ay Ka Hadlaan Waayo, Dad Ayaa Oga Dhintay Ninkii Diidana Waa Doqon, Waana Mahadsan Yihiin Kenya Iyo Itoobiya!

Banaadir Post.

23856108