Xasuuqa lagu hayo shacabka somaliyeed ayaa sii kordhaya,waxaana gaysanaya kuwa soo duulay iyo kuwa ku wehliya duulaanka lagu qaaday magaalooyin Moqdisho ka baxsan oo gaareen Amisom iyo maleeshiyo beeleedka horkacaya kuwaas oo intooda badan Mooryaan aan ka nixin Diin iyo dad.
Waxaa dhibaato lala yaabay ka taagan tahay Xamar ilaa Marka,Afgooye ilaa Wanlaweyn,iyo Moqdisho ilaa Jowhar oo ay dhawaan gaareen, dhulkaas ayaa dhamaantiis nabad ahaa mudo dheer,mana ka jirin wax colaadaha iyo dhaca iyo Kufsiga lala yaabay ee maanta ka taagan.
Waxaa qaato laga taagan yahay maleeshiyaad Ashahaado la dirir ah oo arxan daran,kuwaas qaab beeleed looga dhigay wax lagu sheegay ciidan qaran,mana hayaan wax xal oo wax uga qaban karaan dadka ku nool Shabeelooyinka oo ah dhul hodan ah.
Waxaa la jooga ama la gaaray waqtigii dadku kici lahayeen oo ay ka hortagi lahayeen.
Banaadir Post.