Shacab Rakaab ah oo Gaari Magaalada Marka ka yimid saarnaa oo Dhac iyo Kufsi u geysteen Maleeshiyaadka Dowlada oo Amisom Afgooye gaysay.

23866097Maleeshiyo beeleedka dowladda  ayaa waxa ay Gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen dad rayid ah ay ku dhaceen meel duleedka ka ah Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose Gaarigaasi oo ka yimid Magaalada Marka islamarkaana ku soo socday Magaalada Muqdisho.

Darawalkaa Gaarigasa oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Gaariga rakaabka uu ka yimid Magaalada Marka markii ay yimaadeen Degmada Afgooyena ay kaxaysteen wax oo ugu yeeray  Ciidamada dowladda kuwaasi oo u kaxeystay meel duleedka ka ah Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose, Dabadeedna dadka rakaabka ah laga dhacay lacago iyo Mobillo ay wateen dadka Rakaabka ah isagoona dhinaca kale xusay in 2 dumar ah oo rakaabka ka mid ahaa ay halkaasi ku kufsadeen kooxihii dhaca ugeystay Dadkaas Rakaabka ah.

23866067

Dhinaca kale Cabdi qaadir Max’ed Nuur Siidii oo ah Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose ee dowladda Soomaaliya oo la hadlayWarbaahinta Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay dhicii iyo kufsigii maanta loogeystay dadkaas Rayidka ah ee saarnaa Gaarigaas Rakaabka ahaa, Waxana uu Guddoomiyuhu tilmaamay in arrintaasi ay tahay wax laga xumaado islamarkaana aaney ahayn markii ugu horreysay ee ay Dhacdooyinka noocan oo kale ah dhacaan, Balse ay soo noq-noqdeen. Waxana uu Guddoomiye Siidii qiray in Ciidamada Milateriga ah ee ka howlgala Gobolka Shabeelaha Hoose ay qeyb ka yihiin Dhibaatooyinka loogeysto Shacabka Sh/Hoose.

Gaadiidleyda ka xamaasha inta u dhexeysa Muqdisho iyo Sh/Hoose ayaa haatan isku dayaya in ay ka hadlaan qaabkii ay isaga difaaci lahaayeen Ciidamadan Dhaca iyo Kufsiga joogtada ah ku haya Rakaabka ay soo qaadaan, Maadaama ay Dowladdu wax ka qaban weysay dhowr goor oo ay kala hadleen.

Jidkaas  ayaa dhowr sano nabad ahaa oo aysan  ka jirin wax dhib ah  oo lagu hayay dadka ku nool dagaanada Shabeelada hoose ama ku safra jidkaas,waxaa dhawaan la geeyay maleeshiyo beeleed lagu wado Kaaraha Cadowga Somaliyeed ee Amisom,waxaana meesha ka baxay dhamaan amnigii  iyo noloshii ka jirtay oo dhan.

Cabdulqaadir Sidii ayaa laga hayaa inow amaan kala dul  dhacay kuwa maanta oo caayayo ama leeyahay amniga ayay halis ku yihiin.SAWIRKA HOOSE KA FIIRI.

21078908