Mahiiga iyo Xafiiska Xalane ee UNPOS oo sheegay inay ku kashifmeen inay sugaan amniga Moqdisho kuwa fadhigoodo yahay VILLA SOMALIA.

23865512Kulan la sheegay in looga hadlayay amniga ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galay madaxda ugu sarreysa DF-ka iyo saraakiil ka socotay ciidanka shisheeye.

Wuxuu ku eedeeyay inay  been sheegaan oo aysan awood lahayn,”waxaa la duqeyaa meesha aad degan tihiin,waxaana la weerara ciidankiina maalin cad” ayuu ku yiri iyaga oo fadhiya.

23856108

Wuxuu ku eedeeyay inay yihiin kuwo ku kashifmay amaanka Moqdisho inay sugaan meelo kale warkooda haba sheegin ayuu yiri Mahiiga ninka  daaha gadiisha ka xukuma gayiga Somaliyeed.

Mahiga oo hadlayay ayaa madaxda DF-ka ku dhaliila arrimaha ammaanka Muqdisho oo uu sheegay in aysan wanaagsaneyn,Xasan Sheekh iyo R/wasaarihiisa Saacid Shirdoon ayaa madasha ku sugnaa.

Dadka  yaqaan arimaha ciidamada ayaa sheegay in warkaas bilow u yahay jabkii Amisom, dhawaana ay  dhamaan ku soo noqon doonaan Moqdisho,ka dib marki  ay soo muuqatay  in dagaalku yahay mid ka duwan sida loo sheegay,ama ay la noqotay.

Waxaa mar hore  xirmay ama la quusteen  inay isku socdaan  meelihii ay hore  u tageen,waxaa saadka hada loogu geeyaa Diyaarado  laga  kireeyo  kuwa xooga ku haysta  Garoonka ama Gagida Moqdisho ee SKA,oo lacago badan lagu siiyaa,isla markaasna ka fakada weerar  cirka oo lagu qaado.

Waxaa maalin kasta ku dhiig baxaya dhulla Somaliyeed kuwii duulaanka lagu keenay dalka Somalia.

Banaadir Post.

23856104