DHAGEYSO+SAWIRO:-Beelihii walaalaha ahaa ee Galgaduud oo heshiis buuxa gaaray isna cafiyay iyo Alshabaab oo ilaahay ku guuleeyay inay kala dhexgalaan.

23865115 (3)Ku dhawaad 40 maalmood oo kulamo xariir ah ka socdeen Laanta Miraayo iyo Baalla dheer kadib ayaa lagu guuleystay in heshiis buuxa lakala dhax dhigo beelaha walaalaha ah ee Reer Xaaji Saleebaan iyo Maxamuud Hiraab.

Munaasabad ballaaran oo shalay lagu qabtay laanta Miraayo ayna kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin,salaadiinta labada beelood iyo waxgaradka beesha Ceyr oo lagu marti qaaday gaba gabada heshiiska ayaa lagu qabtay laanta Miraanyo halkaasi oo lagusoo afjaray colaaddii u dhaxaysay beelaha walaalaha ah.

Ujeedo: Go’aan Maxkamadeed.

Kadib markii Maxkamada Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud ay soo saartay Xukun Sharci ah Taariikhdu markii ay ahayd 7/2/1434H kuna beegnayd 21/12/2012, kaas oo lagu kala xukumay Diyada dadkii ku dhintay Dagaalkii Safaynka/labada saf ahaa ee dhexmaray Labada beelood ee kala ah Maxamuud Hiraab iyo Reer Xaaji Saleebaan, dagaalkaas oo ka dhacay Deegaanka Baaldheer ee Wilaayada Galgaduud halkaas oo ay Beesha Reer Xaaji Saleebaan kaga dhinteen 28 nin halka Beesha Maxamuud Hiraab uu kaga dhintay Hal nin.

23865115 (2)

Xukunka Maxkamada Islaamiga ah oo ahaa in Beel walba oo labadaas beelood kamid ah ay bixiso Diyada dadkii ay dishay oo Muqallado ah, ahna 100 halaad oo Geel ah nin walba, Qiimaha halka neefna uu yahay Sagaal Milyan oo Shilin Soomaali ah  ayay waxay Maxakamadu Go’aamisay in Labada beelood ay diyada ku bixiyaan muddo SHAN IYO TOBAN BILOOD AH GUDAHEED oo ka bilaabanaysa Taariikhda uu soo baxay Xukunka Maxakamada Islaamiga ah.

23865115 (1)

Sidoo kale Maxkamada Islaamiga ah waxay Xukuntay in Diyada lagu bixiyo saddex Marxaladood, taas oo macneheedu yahay in Shantii Bilood oo walbaba ay beeluhu bixiyaan Seddex-meelood Meel ka mid ah Diyada lagu leeyahay isla markaana ay keenaan Maxkamada Islaamiga ah ee Wilaayada Galgaduud si halkaas ay beeluhu ugula kala wareegaan.

23612604

Halkan Ka Dhageyso Khudbadihii laga jeediyay Kulanka MP3

23865115