WARBIXIN:-Qaadka oo Caqabad ku ah Dhaqaalaha iyo Nabadda Soomaaliya.

23848769Cunista Maandooriyaha qaadka ayaa si ba’an ugu sii faafeysa dalka Soomaaliya, iyadoo dadka ugu badan ee qaadka isticmaala ay u badanyihiin da’da dhallinyarada, in badan oo dadkaasi ka mid ah waxa uu qaadku gaarsiiyaa inay mar walba joogteeyaan oo ay qabatimaan, inta badanna ragga ayaa lagu tilmaa inay yihiin kuwa ugu badan ee isticmaala, waxaase jira dumar aan tiro badneyn oo iyana maandooriyahaasi isticmaala.

Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada midoobey ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu ku sheegay in %70 dadka isticaamla Maandooriyaha qaadka inay yihiin dadka dhallinyarada ah ee ka hooseeya da’da Sodomeeyada.

Inta badan dhallinyarada qaadka isticmaasha waxay isugu yimaadaan goobo Marfeshyo ah oo ay ku khiyalaan, iyagoo marka ay ruugayaan qaadka isticmaala Cabitaanno kulul iyo Shaaha, waxaana Afar saacadood illaa Todobo Saacadood oo waqtigooda ka mid ah ku dhumiyaan cunista Maandooriyahani halista ah.

Qaadka Soomaaliya laga isticmaalo waaa laga keenaa dalalka Kenya iyo Ethopia, inkastoo aan tirakoob rasmi ah laga heyn dhaqaalaha Soomaalida uga baxa Qaadka, ayaa haddana daraasad ay sameysay Xarunta Ganacsiga iyo deegaanka Mareykanka Sanadkii 1993 waxay ku sheegtay in Hal Milyan oo doollar Sanadkii Soomaalida ay ku kharash gareeyaan qaadka uga yimaada dalka Kenya.

Tv-ga K24 ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa Barnaamij gaar ah oo bartamihii sanadkii 2011 uu ka sameeyay Qaadka Soomaaliya loo soo daabulo wuxuu ku sheegay in maalin walba Dowladda Kenya ay Qaadka ka macaashto dhaqaale ka badan 11 Bilyan oo Lacagta Kenya ah oo u dhiganta ku dhawaad 130 Milyan oo doollar. Waxaana jirta in maalin walba dowladda Kenya ay Labaatan Tan oo qaad ah u dhoofiso Soomaaliya, halka Tobon Tan oo kalena ay u dhoofiso dalka Ingiriiska oo ay ku noolyihiin Soomaali badan oo isticaamaasha Maandooriyaha Qaadka.

Cabdul-Caziiz Axmed Ibraahiim oo ah Macalin ka tirsan Jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kharashka dhaqaale ee Soomaaliya uga baxa Qaadka sida maalinlaha ah loogu soo duubay uu Sanadkii ku dhowyahay 200 oo Malyuun oo doollar, iyadoona ku dhawaad kala bar lacagtaas ka mid ahna ay ku baxdo qaadka laga isticmaalo magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay C/Casiis in arrintaasi ay saameyn ballaaran ku yeelaneyso dhaqaalaha dalka oo markii horeba gebi dhacleynayay, isagoona tilmaamay in haddii dhaqaalahaasi loo weecin lahaa Mashaariicyo oo kale oo hormineed ay shaqooyin u abuuri laheyd Boqollaal Soomaali ah.

23215483

Qaadka waxa uu halis badan ku hayaa ammaanka, iyadoo in badan oo ka mid ah dadka qaadka cuna ay yihiin kuwo hubeysan, taas oo ku kallifeysa inay sameeyaan tallaabooyin ay amaanka ku carqaladeynayaan si ay u helaan dhaqaalaha Yomiga ah ee ku baxa Qaadka oo qiyaastii dhan $20.

Dhinaca kale Qaadku waxa uu sababaa inay qoysas badan bur buraan, kadib marka ay luqanta isku galaan ragga Maandooriyahaas isticmaala iyo Haweenka ay qabaan, waxaana Mukhayiliinta lagu eedeeyaa inaysan Biil ama Masruuf ku filan siin qoysaskooda.

Si kasta oo ay ahaataba Mujaahidiinta Soomaaliya ayaa gobollada ay ka taliyaan waxay kala dagaallameen Maandooriyaasha noocyadooda kala duwan gaar ahaan Qaadka, iyadoo Natiijo wanaagsanna ay kasoo hooyatay tallaabta ay ku dhaqaaqeen Mujaahidiinta.

XIGASHO AMIIRNUUR MEDIA.

23783794