Wasiirka Difaaca ee Kenya Yuusuf Xaaji maxaa iska bedelay Duulaankii Kenya ku qabsatay KISMAAYO,Xasuuqii ,boobkii GAARISA iyo gabuudka falkii loo gaystay ganacsatada Somaliyeed ee ISLIHI Nayroobi.

23833628Markii ugu horreysay tan iyo intii Booliska Kenya ay Bililiqada ku billaabeen Xaafadda ay Soomaalida ka degto magaalada Nairobi ee Islii, Ayaa Wasiirro ka tirsan xukuumadda Kenya waxay dalbadeen in si dhaqso ah looga soo saaro xaafaddaas  Soomaalidu degto ee Islii saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Kenya ee howgallada kawada xaafaddaas, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay geystaan xadgudubyo iyo dhac.

Dadka somaliyeed ayaa la  yaabay kuwaas iyo caqligooda xun ka dib markii ay kismaayo u soo hor kaceen KUKUUYO iyo Maleeshiyaad beelahooda ka soo jeeda oo dabadhilif  ah,xasuuqana ka wada gudaha gayiga Somaliyeed.Maanta sheegay inay ka naxayaan dadka Somaliyeed ee Islihi ku noolaa oo hada ka qaxaya Kenya kuna soo jeeda dhulkoodii hooyo,kuwaas ayaa la soo guryo noqanaya  colaad ay u  qabaan   Ciidamada shisheeye oo dhan oo ku sugan gayiga Somaliyeed.

Yuusuf xaaji ayaa hada ogaaday ninka loo socdo inow isaga iyo kuwa la midka yahay,waaga ayaana ku baryay”God ha qodin hana dheerayn iga dheh”

Xildhibaannada kala ah: Aadan Barre Ducaale, Yuusuf Xaaji, Ibraahim Maxamed Cilmi iyo Safiyo Cabdi oo dhammaantood laga soo doorto gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa waxay sheegeen in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin kala duwan u geysteen shacabka ku nool Islii, iyagoo ugu marmarsiyoonaya inay yihiin argagaxiso oo lug ku lahaa weerarro ka dhacay xaafaddaas,kuwa Kismaayo maxaa loogu soo marmarsiiyooday?

Xassan Guuleed oo u hadlay guddiga ganacastada xaafadda Islii ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka Kenya inay dadka lacago ka qaataan sidoo kalena ay dhac u geystaan hanti shacabku leeyahay, ayna si aan kala sooc lahayn u dhibaateeyaan dadka ku nool xaafadda Islii.

“Dadka la xiro noocuu doono ha ahaado qof weyn iyo ilmo waxay ciidamadu ka qaataan lacag gaaraysa 15,000 lacagta Kenya ah. Ganacsade ayaa isaguna ii sheegay in laga dhacay 500,000 oo lacagta Kenya ah,” ayuu yiri Guuleed.

Banaadir Post.

2347080322856385 (1)2305445422999860