Markii uu dhawaan uu Booqdey Wadanka Suudaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Booqashadaasi waxaa la iskula soo qaadey Lacago Shilin Soomaali ah oo Dowladii Sheekh Shariif ay ka soo daabacatey Dalka Suudaan Taasoo isugu jirta lacago Waraaqo ah oo isku Dhegen oo ah 100 Kun, 50 kun, 20 kun, 10 kun iyo 5 kun , waxayna uu sheegeen in lacagtaasi ku sugan Wadanka Suudaan ay Dowladda dhawaan halkaasi ka soo qaadi Doonto.
“Waa Lacag si weyn ay Dowlada ugu baahan tahay waxaa hore u daabacay Dowladii naga horeysey marka waxaan marka hore aan dooneynaa in aan Qorshayaal u sameyno Lacaghaasi “ayuu yiri Xasan Sheekkh oo sidoo kale Sheegey maadama ay lacag la’aan ba’an hayso,waxna wadi waaayeen,sheeyna in beesha caalamku u lug qabatay inay iyaga sugaan,waxna sooma wadaan ayuu yiri.
Shacabaka Soomaaliyeed ayaa durba Walwal ka muujiyey Lacagahaasi Cususb ee ay Dowlada Dhawaan soo gelin doonto waxay sheegeen in haddii lacagahaasi Dowladda ay keento in dadlka uu geli doono Xaalad Sicir Barar waayo lacagtii Kunka ahayd ayey sheegeen in dalka ay gelisey Siciri barar aad u baahsan mark waxay kuila Taliyeen Dowladda Federaalka in Lacagaasi ay geni ahaanba joojiso haddi kale ay Dowlada Qorshayaal rasmi ah u sameyso.
Ma ahan markii ugu horeysey oo shacbakii Somaliyeed ay daaliyaan lacago gaar loo leeyahay waxaana horey u keenay dowlado ku sheeg kuwan ka sii horeeyay sida Cali Mahdi oo u keenay lacagtii caan baxday ee N ama NA ADA, oo ay ku hanti beeleen shacab aad u badan.
“Kan danbe u eg kii hore”
Banaadir Post.