MAQAAL:-Ma Ahlu Sunnaa loo bedelayaa Xisbul Islaam State mise wax kalaa Mudug kasoo Muuqda?‏

23815326GOORMEE KUUGU DAMBEYSAY CUlUMAA UDIINKA AHLUSUNNA OO FURIN DAGAAL KU DIGRINAYA?

Lagasoo bilaabo bartamihii sanadkii 2010 ilaa geeridii meles sinaawi Ahlusunna waxay ahayd garab siyaasadeed oo hubaysan oo xiriir aan toos ahayn la leh beesha caalamka.Waxay ahaayeen kuwo talada uga dambeeya taliyahoodii Meles Sanawi kana suga hadba tallaabada ugu haboon ee uu markaas isleeyahay waa lagu suuq geyn karaa.Yacni si wax looga helo beesha caalamka.

Sifiican ayuu u abaabulay xagga ciidanka laakiin xagga siyaasadda wuxuu ku dadaalay inaysan cidkale xiriir layeelan si uusan damacooda dhaqaale iyo siyaasadeedba  u weynaan.Meles aad ayuu ubuunbuuniyey magaca ahlusunna,wuxuuna ku kasbaday inuu asagu noqdo furaha beesha caalamka ee geeska afrika.Laakiin waxaa tallaabo  laqaaday shariif Shiiikh Axmed oo aad uga digtoonaa inay ahlusunna awood yeelato.Markiiba wuxuu abuuray garab ayaga magaca lawadaaga oo xarun looga dhigay magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed intaa ugamuu harin Kooxdii labaxday Ahlusunna ee wuxuu abaabulay garab kale oo reer Beledweyne ah asagoo kubixiyey arinkaas qarash aad iyo aad ufarabadan.Arinkaas oo dhaliyey inay ciidamadii ahlusunna maalin cad isaga baxaan xaafadihii ay shabaabka kalawareegeen ee magaalada Beledweyne.

Waxaa ayadana qalalaase abuurtay xiriiro ay niman magaca ahlusunna sheeganaya ay si gacan dhaaf ah ulayeesheen Safaaradda Mareykanka ee Nairobi.Raggaas waxaa kamid ahaa Janaraal Galaal,Axmed Cabdi Salaan iyo rag kale oo sida lasheegayo uu kamid ahaa Cabdi Shukri.Markasto oo ay awooda Kooxda ahlusunna soo muuqataba waxaa soo badanayey siyaasiyiin hab qabiil isaga soo horjeeda taasoo keentay in marba shirar beeneyn iyo cambaareyn ah leyska daba qabto.waxaana intaa sii wehliyey dagaalo ay Shabaabku kuwadeen oo aan joogsi lahayn iyo Shariif oo hab beeleed uga soo xushay kuwii ayaga umatali lahaa xagga dowladda kadib markuu Senaawi kuqasbay in jagooyin lasiiyo.

Ahlusunna waxaa jibiyey qabyaalad iyo sadbursi.Waxayna dhulka galeen markii ay macal amxaar kusoo duuleen magaalada Ceelbuur.Dagaalkaas oo xagga Melles ka ahaa hadda ama illoow.Hadda waxaa soo ifbaxay Cabraxmaan Macallin afhayeenkii hore ee Xisbul Islaam oo kasoo muuqday Gaalkacyo xilligii kalaguurka.Waxaa kaloo Gaalkacyo kataagan qilaaf dhaliyey inay Galmudug yeelato seddex madaxweyne.

Waxaan weliba tebayaa Cabdi Shukri oo aan weli soo muuqan.Mana loo jeedayo wax dhaqdhaqaaq oo arintaas lagu xalinayo oo aan ka ahayn inuu Cabdi Qeybdiid sideg deg ah u abuurayo dagaal beeleed dhexmara beelaha walaalaha ah ee Hobyo wada dega.

tani waa nooc kamid ah ismuujinta looga qeybgalo siyaasadda Soomaaliya ee xooga kudhisan.Lama yaabeen haddii la arko cabdi qeybdiid oo Ahlusunna kasoo dhex muuqda,ama ku bareejeynayo xisbul islaam state.

Waxaana lagayaabaa ina arimahaan dartood ay Galmudug kumuteysato xilal wax ku ool ah.Waase la arki doonaa halkii ay sal dhigato
W/Q:  Nuurshe.

2219648021695201