Dhawaan ayaan Tvga Aljazeera qaybtiisa Englishka ka daawaday Barnaamij looga hadlayey Geela Australia ee keymaha ku jira oo la laynayo leyntiisana lagu bixinayo lacag aad u fara badan waxa aan aad uga xumaaday qiimaha uu Geela agteena ka joogo iyo sida ay u galayaan.
Geela ayaa ah wax ku weyn Somalida kuwooda yaqaan sida loo dhaqdo
"Fara waa Daraawiish waxay, falina waa khayre
Kun fuusha oo dab lihi waa qabiil, laga fogaadaaye
Sayidkoon fasixin geel ninkii, foofiyaa dagane "
Waxaa tiriyay Abwaan Qamaan Bulxan,AUN.
Soomaalida ku nool Australia arinkaan in ay ka dhaadhiciyaan dowlada wadankaas si loogu soo wareejiyo Somalia ma garan waayeen sababtoo ah dad dhaqanayo wadankeena ayeey joogaan .
Kuwa loogu yeero beesha caalamku hadii ay wanaag iyo horumar la rabaan Somali maxay noogu soo daabuli waayeen Geeelaas la gumaadayo,meesha ay nagu soo daabuleen ciidamo jiran oo intooda badan qaba cuduro halis ah oo la kala qaado.
http://www.aljazeera.com/programmes/aljazeeraworld/2012/12/20121226115848287535.html