Waxaa soo dhamaaday waqtigii Maxamud Tarsan ee mgaalada Moqdisho,wuxuuna ku noqon doonaa London oo markii horeba ka yimid,halkaas oo lagu soo sugayo maqaayadaha London oo ay weli ku sugan yihiin kuwii oo ka tagay,una sheegay inow wax u qaban doono ka dibna guuri doonaan iyaga reerahooda,taas oo been noqotay!
Tarsan waxaa ilaalo u ah ciidamada Amisom”GUMAADSOM” iyo maleeshiyo Beeleed loo soo xulay,kuwaas oo maalmihii ka danbe ka shakiyay inay qaarijiyaan,waxaan saxaafada ka maqasheen isaga oo caabadaya oo elh”Waa la i dilay rabay” iyo wixii la mid ah.
Tarsan ayaa lacag ka soo sameeyay Moqdisdo dhowr sano oo maqnaa,waxaana lacagtaas la galiyay ganacsi sida ay sheegayaan dad isaga yaqaan oo London ku sugan.lacagtaas oo dadkii laga leexshay weli ku sugan yihiin xeryaha qaxootiga magaalada Moqdisho.
Tarsan ayaa lacago badan ka helay Turkida ka dib markii u cabiray dhul Dowladeed xeebaha Banaadir ku dherersan,waxaana arinkaas ka ogaa Shariif Sheekh Axmed!
Xisbiga talada Villa Somalia haya ee DAMUL JADIIID ayaa soo diyaarshay qurbojoog kale oo xisbiga gacan saar la lehmkuwaas oo bedeli doona Tarsan oo hore uga tirsana xisbigii talada Villada laga ceyrshay ee ALAA SHEEKH,kuwaas oo intooda badan maanta qaxooti cusub meelo badan aduunka ah,inta hartayna waxay diyaar u yihiin inay lugta furaan.
“RABBi talo ku filan”
Muxuu bedeli karaa Qurbojoog kale.waa maya,waxba ma bedeli karo,maxaa yeelay waa baadil isaga iyo kuwa keenayba.
Banaadir Post.