Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Hogaanka Maamulka Labaxay Puntland ayaa kahadlay xaalada siyaasadeed ee kataagan Deegaanada Puntland.
Waxay sheegeen in sharci darro ay tahay Faroole inuu sii shaqeeyo wixii kadanbeeya 7-da Bishaan sanadka 2013.
Siyaasiyiinta inay kulmeen islamarkaana Maamul KMG ah kaga dhawaaqi doonaan Puntland hadduu Faroole kudhago adeego inuu sii shaqeeyo muddo hal sano ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay in caburin Faroole uu kuhayo Bulshada kudhaqan Deegaanada Puntlan isagoo u adeegsanaya Shirkada Saracen.
Maamulka labaxay Puntland Deegaanada uu kataliyo hada waxaa kajira qalqal siyaasadeed kadhashay inuu sii shaqeeo Faroole iyadoona haatan beelaha kudhaqan Puntland ay bilaabeen inay is Hubeeyaan.
Halkaan ka dhagayso Codka Gablax MP3
Wasiirkii Hore Amniga Puntland ayaa sheegay in Maamulka Faroole uu dhacayo Todobada Bishaan wixii kadanbeeyana ay kudhawaaqi doonaan Maamul ka aramiya Deegaanada Puntland.