VIDEO:- “Kenya Iyo Itoobiya Xaq Ayey U Leeyihiin Jubbooyinka In Ay Ka Hadlaan Waayo, dad ayaa oga Dhintay waxaana ogol dastuurka iyo Dimoqoraadiyada ,ninkii diidana waa doqon, Waana Mahadsan Yihiin Kenya Iyo Itoobiya” Sheekh Shakuul oo ah Saaxiibka Sheekh Umal iyo Sheekh Shibile ayaa yiri!

23760162Waa Kuma Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul?.

Shakuul, waa Nin Maraykanka Gobalka Tennessee Imaam Masaajid ka ahaan jiray, wuxuu Muddo 10 Sano kudhow joogaa Kenya, waxay ganacsi, Hoteello, Suuqyo iyo Guryo ganacsi wadaagaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamuud Shibile, dhinaca kale haddii laga eego Shakuul, Sh, Umal iyo Shibile waa isku Qabiil, waa isku Urur waana Saaxiibo, waxaa Muslimiin badan noo xaqiijiyeen in Shakuul Markii uu Maraykanka katagayey uusan lacag haysan, Wadaaddadaas waxaa la leeyahay Asagaa sabab u ahaa Isdhiibitaankooda, waxaa naloo sheegay in uu ushaqeeyo Sirdoonka Reer Galbeedka, waa Ninka xattaa Itoobiya u dhiibay Jamhaddii Soomaali Galbeed.

Waxaa laga yaabaa in aad tiraahdaan maxaad hadda kahor noogu sheegi weydeen?, inta aanan ka jawaabin su’aasha Akhristayaasha, haddii aan idin weydiino ka warama oo oga jawaabno soo ma wanaagsana in aad Afkiisa ka maqashaan Asaga oo leh, Jaajuus ayaan u ahay Reer Galbeedka?. Shaki kuma jiro Qofkii dhagaysta in uu si deg deg ah u fahmayo cidda Shakuul u shaqeeyo, xattaa wuxuu Ninkaas Afkiisa ka leeyahay waxaa ka xishooda Barre Hiiraale, Cabdi Qaybdiid, Yuusuf Badageed iyo Faroole.

Dhagayso Shakuul oo Kenya Iyo Itoobiya Xaqsiinaya MP3 Halkaan Riix Ama Guji

22967168

KA DHAMAYSTIRO QORAALKA OO DHAN SOMALIMIDNIMO

http://somalimidnimo.com/salafi/2013/01/daawodhagayso-sheekh-shakuul-oo-ah-saaxiibka-sheekh-umal-iyo-sheekh-shibile-oo-yiri-kenya-iyo-itoobiya-xaq-ayey-u-leeyihiin-jubbooyinka-in-ay-ka-hadlaan-waayo-dad-ayaa-oga-dhintay-ninkii-diidana/

22999860