DHAGEYSO:-Waxaa Amniga iyo Canshuuraha Moqdisho hortaagan Maleeshiyaadka Dowlada iyo Xisbiga DAMMUL JADIID”Waxaa yiri Tarsan oo Muuqda nin london ku sii jeeda!!

23756366Waxaa wax laga qaban waayay ama   aysan ka qabin karin amniga Moqdisho kuwa  loo shegay inay dowlad Somliyeed yihiin,waana iska caadi maxaa yeelay waxaa ciidan u ah maleeshiyo Beeleed mooryaan ah iyo ciidamo shisheeye oo aan kala jeclayn inay dowlad  helaan iyo in kale, loona keenay inay xasuuqaan shacabka Somaliyeed,kana ilaalshaan inay nabad helaan.

Tarsan ninka  ku magacaan Moqdisho ayaa hada ogaaday inow ka socdo kursiga kuna sii jeedo maqaayadihii London oo laga sugayo isaga asxaabtii duulaankii Xamar aaday,wuxuuna furtay afka,wuxuu eed kala kor dhacay Maleeshiyaadka oo aad u yaqaan waxa uu yahay Tarsan”Laba Wajiile.wuxuu eed aan lala gaban u jeediyay Xisbiga  talada fuulay DAMMUL JADIID  oo aan ahayn kii hore oo Tarsan ka tirsanaa ALAA SHEEKH  oo meesha ka baxay oo hada intooda badan qaxooti  cusub ku noqonaya dibadaha.

Maamulka cusub iyo xisbiga Dammul Jadiid ayaa la kulmaya dhaqaale  xumo iyo amni daro baahsan oo aysan xal  u heli karin,waxaa laga dareemay sida ay isku haystaan,waxaana arinkaas qiray Xasan Sheekh oo la hadlay Wargeyska AL XAYAAT.

Wareysi uu hogaamiyaha DF-ka siiyay jariiradda Al-Xayaat ee magaalada London kasoo baxda ayuu ku sheegay in beesha caalamka aysan dhaqaale ku filan siin xukuumaddiisa islamarkaana ay dowladaha caalamka khiyaamayaan xukuumaddiisa.

Dhaqaalaha xumada baahsan ee heysata Dowladda Federaalka ayaa saameyn ku yeelatay dhammaan xubnaha DF-ka kujira,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal uu dhawaan ku tegay magaalada Nairobi ganacsatada kaga codsaday in ay lacago siiyaan arrinkaasi oo ay aqoonyahanada Soomaaliyeed ku tilmaameen gacan taagasho bareer ah.

Dhinaca kale maamulka Gobolka Banaadir ee DF-ka ayaa muujiyay in haddii lacago canshuura ah laga qaado Muqdisho uu sii kordhi karo musuq maasuqa saraakiisha gobalka ka dhax jira.

23612604

Halkan ka dhagayso Hadalka Tarsan MP3

Banaadir Post.

23734232