DHAGEYSO:- “Ciidamo Caddaana Ayaa Jooga Xeebta Jasiira Oo Gabdho Soomaaliya Oo Cabsan Ku Haysta!”Waxaa sheegay nin Shaqo ka doontay Jaziira,meesha laga xukumo huwanta ku soo duushay dalka Somaliyeed.

23757579 Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku sugan Wadanka U,K Magaalada London ayaa sheegay Nin kamida Raggii Madaxweynanimada u tartamay in uu u sheegay in Ciidamo caddaana ay joogaan Xeebta Jasiira ciidamadaas oo halkaas ku haysta Gabdho Soomaaliya oo Khamro laga dharjiyey.

Ninka Siyaasigaa ee shaqada u doontay ciidamada shisheeye  ayaa sheegay in lagu yiri, “Gabdhaha Caddaanka ee Galbeedka jooga idinkuba waad fara xumaysaan maxaad u diidaysaan in Gabdhihiina laga adeegto” waxaan ogaaday in ay rabaan gumaysi waxa la yiraahdo in ay i baraan.

Siyaasiga ayaa shaaca ka qaaday dhibaatada Reer Galbeedku ku hayaan Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay ciidamada jooga in ay u shaqeeyaan Maraykanka oo lacag ka qaataan, islamarkaana kuwa lagu yeero dowlad Somliyeed  ay Villa Soomaaliya ku xaraysan aysan wax talaa ku lahayn Soomaaliya.

“Waxaa dumar gadaya oo hadana geeya xerayaha Amisom waa ciidamada Booliska”

Siyaasiga  ayaa layaab ka muujiyey sidii la iskaga kicin lahaa gumaysi maadaama Rag Soomaaliya ay u saxiixeen Waraaqo Soomaaliya lagu galiyey gumaysi.

23612604

Dhagayso Siyaasi Cismaan Abshir Cigaal MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Banaadir Post.