Dowladda Itoobiya oo xirtay Toban macalin Quraan kuwaas oo loo haysto inay dadka bareen Towxiidka.

23732319Sida uu qory wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya, dowladda Itoobiya ayaa soo xirtay toban nin oo macallimiin Qur’aan ah, kuwaasoo lagu soo oogay eedeyn ah in ay xiriir la lahaayeen mujaahidiinta Soomaaliya.

Tobanka nin oo kamid ah qowmiyadaha muslimiinta ee ay Itoobiya gumeysato ayaa waxaa ku jira macallim u dhasahay wadanka Kenya.

Ma jirto wax cadeymo ah oo loo heysto macallimiinta marka laga reebo eedeyn afka ah, waxaana jirta in macallimiintu kamid ahaayeen dadka sida weyn u bartay Tajwiidka iyo cilmiga Qur’aanka.

Dowladda Xabashida ayaa sheegtay in lix kamid ah macallimiinta lasoo dacweeyay iyaga oo maqan, waxayna sheegtay in maxkamadeyntooda ay dhici doonto 15 bishan miilaadiga ee sannadka 2013.

Arday aad u badan oo cilmiga ka qaadanayay macallimiinta ayaa guryohooda ku sugan iyaga oo murugeysan isla markaana aanan waxba ka qaban Karin dagaalka cad ee lagula jiro diintooda iyo dadkooda.

Dowladda Itoobiya ayaa waxay gaalada kale ee caalamka kaga duwantahay inaanan la tusi Karin qur’aan iyo wax dhiga, waxaan ognahay in markii ay Soomaaliya galeen ay ku saxaroodeen masaajidda sidoo kalana saxarada isaga tireen kitaabka qur’aanka kariimka ah.

Sidoo kale waxaa la xusuustaa falkii gawraca ahaa ee ay kula keceen culimadii iyo macallimiintii ku sugneyd masjidka Al-hidaaya ee degmada Heliwaa.

Dagaalka ay dowladda Itoobiya sida khaaska ah ugula jirto diinta islaamka iyo ehelkeeda ayaa ah mid taariikh fog ku leedahay, waxaana tusaale loo soo qaadan karayaa masjidkii weynaa ee Harar oo ay kaniisad u badaleen.

Iskusoo wada duuboo tallaabada ay hadda xabashidu ku xireen macallimiinta qur’aanka kariimka ah ayaa waxa ay qeyb ka tahay dardaaranadii uu ka tagay ra’iisul wazaarihii geeriyooday ee dalkaasi Melas” Fircoonkii Geeska Afrika”.