Somalidii Kenya ku noolan jirtay oo u hijroonaya dhulkoodii hooyo diyaarna u ah inay ka hortagaan gumaysiga cusub naf iyo maalba.

23710467Shacabka Soomaaliyeed oo ku quustay waxashnimadii ay Askarta Kenya kula kacayeen Muddooyinkii u dambeeyay ay go’aansadeen in ay Dalkooda dib ugu laabtaan gaar ahaan Shacabkii kasoo qaxay koofurta Somalia,Moqdisho,Kismaayo ,Gedo, Bay iyo Bakool,kuwaas oo la soo noqanaya ciil u qabaan ciidamada Shisheeye oo dhulokooda la soo dhoobay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa mashquul laga dareemayey Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo dad badan oo ka soo qaxay magaalada Nairobi ay ku soo qulqulayeen,kuwaas oo aan wadan hanti ay hore ugu haysan jireen meeeshii ay ku noolayeen,waxaanaq soo baxaya ama laga dareemaya inay ciil u qabaan Kenya iyo kuwa la socda sida  ciidamada Amisom,waxayna aad uga caroodeen inay garoonka Moqdisho ugu yimaadeen  SANKADHUUDHI af sawaxili ku hadalay oo iayaga baaraya,si xuna ula dhaqmaya,”Waan ka xumaaday hadana aad uga xanaaqay markii  aan garoonka Adan cade ku arkay nin Sawaxili ah oo raba  inow i  baaro uaniga oo jooga dhulkayga hooyo,aniga oo dhulkiisa uga soo tagay dhib oo ii gaystay”Waxaa yiri nin ka soo hijrooday Nayroobi.

Boqollaal ruux ayaa maalin walba ka soo ambabaxa magaalada Nairobi, si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan, waxana qulqulka dadka uu ahaa mid maalin walba laga dareemay Garoonka diyaaradaha Joma Kenyata.

Haddii Shacabka Soomaaliyeed ee ku Ganacsada magaalada Nairobi ay ka dhabeeyaan in ay Ganacsigooda usoo wareegsadaan magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, Waxa hubaal ah in aysan u darsan doonin Kibaki iyo Askartiisa dulleystay Soomaalida, Waddankuna uu horumar ku tallaabsan doono, Sidookalena Kenya Dhaqaalaheedii ku tiirsanaa Soomaalidii ka xoreysay Hindidii bahdili jirtay ay u aayi doonaan.

“Waxaan diyaar u nahay inaan difaacno Diinta iyo dalkaba naf iyo maalba”waxaa yiri ganacsadoe somaliyeed oo Kenya lagu soo boobay soona hijrooday.

Banaadir Post.

23470803