Maleeshiyaadka Raaskabooni oo nabadoonkii labaad Kismaayo ku dilay iyo beelaha Kismaayo degan oo hubka u qaatay inay iska celiyaan Maleeshiyaadka Dagaal-ooge Axmed Madoobe iyo Cawaanta Kenya oo kismaayo qabsaday.

23711014Ganacsade  Nabadoon Ismaaciil Maxamed Nuur  ayay  dhaawac xun uga tageen,iyaga oo u haystay inow dhintay laakin maalmo ka dib ayuuna  Moqdisho oo loo qaaday ugu dhinta dhaawacii ay u gaysteen  ciidamada Raaskamboonigaa ee Axmed Madoobe hogaamiyo.

Waxaa si xun uga carooday dilka nabadoonka oo ahaa nin aad looga yaqaan Kismaayo,waxayna balan qaadeen iska dhici doonaan oo dagaal adag kala hortagi doonaan maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo Cawaanta Kenya oo kismaayo xooga ku haysta.

Waxaa kale oo ay  xalay dileen nin kale oo Nabadoon ah  kaaso si xun uga soo horjeeday in maamul gaar ah oo beelo wataan kismaayo loo sameeyo,waxaana aad u kacsan xaalada beelaha Kismaayo degan.

Kismaayo ayaa ah magaalo ay deganyihiin beelo badan oo somaliyeed oo la dhihi karo waxaa degan Somali oo dhan,waana magaalo muhiim dhul ahaan iyo dhaqaale ahaan,waana magaalo caan ku ah colaad beeleed si xun la isku gumaado,laakin dhowr sano nabad ayay ahayd oo wax dagaalo ah kama dhicin waxayna ku talaabsatay horumar,waxaana gacanta  ku hayay XSHM oo markii ugu danbeysey laga qabsaday.

Banaadir Post.

23711353