40 gaadiidka dagaalka ah oo ay saaranyihiin ciidamada Xabashida iyo xaasaskooda ayaa ka baxay Baydhabo kuwaasoo u dhaqaaqay dhanka degmada Luuq.
Qaar kamid ah gaadiidka Xabashida ayaa waxaa saarnaa alaabo ay ka baadeen ama ka dhaceen shacabka reer Baydhaba oo ay kamid yihiin diishah, filinjeero iyo qalab kale.
Illaa iyo hadda ma cadda halka ay ku wajahanyihiin ciidamada Xabashida iyo waxa ay damacsanyihiin, hase ahaatee waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo badanayay dagaalada ka dhanka ah,waxayna aad ugu dhiig baxayaan weli dhulka Somaliyeed.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku haray ciidamo aan sidaa u badneyn oo ka tirsan kuwa Uganda iyo Jabuuti.
Isha Warka RADIO ALFURQAAN.
Banaadir Post.