Cabdiraxmaan Faroole “Anigu waxaa la ii doortay inaan madaxweyne ahaado shan sano, waana dhameysanayaa shantaa sano”

23670665Madaxweynaha maamulka la baxay Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa uu si cad u sheegay in uusan ka dageyn xilka uu hayo illaa uu sannad ka dhameysto.

Siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo odayaasha qabaa’ilka ayaa sheegaya in Faroole uu waqtigu ka dhamaaday, loogana baahanyahay in uu ka hor wareego shacabka, halka isaguna uu u muuqdo nin doonaya in uu awood isticmaalo.

Wuxuu dafiray in xilka loo doortay uu ku egyahay afar sanadood isagoona sheegay in dadweynaha reer Puntland ay xilka u dhiibteen muddo shan sannadood ah.

Waxaa maalmahan ku eg waqtiga Faroole sida ay sheegaan dadka la socda  xaalada deganadaas, ma dhici kartaa in Faroole gacanta ka hadlo sidii hada ka hor Cabdulaahi Yuusuf uga hadlay!

Banaadir Post.

35904_287092291411582_968503160_n