XARAKADA TAJAMUCA ISLAAMIGA SOOMAALIYEED
SHIRKA AFARAAD EE TAJAMUCA
BAAQA SHIRWEYNAHA:
MUQDISHO .
kulan muhiim ah oo ay yeelatay Xarakada Tajamuc Al Islaami oo ay ka soo qayb –galeen Aqoonyahano, Culimo, Siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo Haween,. Falan-qayn dheer ka dib shirka waxaa ka soo baxay Baaqa soo socda:
1. Xarakadu waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay Allaah u towbad keenaan, Xariga Allaah la wada qabsado, wax alaale wixii xuquuq iyo hanti ah la isku celiyo, lagana fogaado isdilka iyo nacaybka.
2. Xarakadu waxa ay aaminsan tahay in Shareecada Islaamku tahay Dastuurka Dalka ee lama-taabtaanka ah.
3. Ururada Ismaaliga ah ee dalka Soomaaliya waxa ay Xarakadu ugu baaqaysaa in ay horseed u noqdaan dhaqanka Wadahadalka, dacwada islaamkana shacabka loo gaarsiiyo si xikmad ku jirto.
4. In la dhawro xurmada ruuxa Muslimka ah, lana ilaaliyo: Diintiisa, Naftiisa, Maalkiisa, Sharafkiisa iyo wixii kale ee Diinta Islaamku ay fartay in la dhawro, lana ilaaliyo.
5. Waxa aan ugu baaqaynaa dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed in ay adkeeyaan midnimadooda kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala fogaasho iyo kala qaybinta dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.
6. Xarakadu waxa ay cadaynaysaa in Madaxbaanida, iyo Midnimada Shacabka Soomaaliyeed, Dal iyo dad ahaanba in ay tahay lama taabtaan.
7. Culimada Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqaynaa in ay qaataan Masuuliyadda ka saaran Tarbiyada iyo towjiihinta dadka Soomaaliyeed.
8. Waxa aan rumaysannahay in Culimada Soomaaliyeed ay Marjac aasaasiya u yihiin dhammaan arimaha muhiimka ah ee taabanaya Masaalixda Shacabka Soomaaliyeed.
9. Dawladda Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqaynaa in ay qaadato masuuliyadda ka saaaran u adeegidda Shacabka Soomaaliyeed, gudaha Dalka iyo dibaddiisa, ayna difaacdo xuquuqda dadka Soomaaliyeed iyo qiyamkooda Islaamiga ah.
10. Xarakadu waxa ay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka gaar ahaan dawladaha dariska la ah Soomaaliya in dhawraan Madaxbanaanida iyo Midnimada shacabka Soomaaliya.
11. Waxaan kale oo aan ugu baaqaynaa dadka Soomaaliyeed ee xoolaha haysta ee ku nool gudaha dalka iyo dibadiisa inay gargaar iyo taakulayn la garab-istaagaan walaalahoodadhibaataysan.
Waxaa la sheegaa in Aala Sheekh uu ka mid ahaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, isla markaana horay uga mid ahaayeen Xukuumadihii dalka soo maray, hase ahaatee haatan ay badankood ku jiraan Baarlamaanka Soomaaliya,walow qaar ka mid ah qaxooti cusub ku yihiin meelo dibada.
Xarakada islaamiga ee Tajumuca ee loo yaqaano Aala Sheekh ayaa waxaa ku mideysan ardaydii uu soo waxbaray Sheekh Maxamed Macalin Xasan, oo ka soo baxay Jaamacada Azhar sanadkii 1968, isla markaana aas aaskeeda la sheegaa inuu lahaa Sheekhan oo magac ahaan ay ku abtirsadaan Aala Sheekh.
XIGASHO HARAR24.