Shacabka Soomaalida ayaa aaminaadii kala laabtay dowladad Kenya tan iyo markii ay ciidanka Kenya qabsadeen magaalada Kismaayo ee dalka Somaaliya boobna kula kaceen dadka ku ganacsada Islihi Nayroobi.
Waxaa sare u sii kacaya tirada dadka Soomaalida ee la baxaya lacagihii ka yaalay Bankiga Dheexe ee Kenya waxaana ka baxaya garoomada diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee wadanka Kenya kadib markii masuuliyiinta amaanka Kenya iyo boolisku ay ku celceliyeen in Soomaalida ay ku laabato xeryaha qoxootiga,waxaana kale dadka intiisa badan u socdalayaan meelo kala sida Dubai,Xamar iyo Kismaayo,kuwaas oo la soo noqonaya cadaawad oo ay u qabaan kuwa soo duulay oo dalkooda xoog ku jooga,”Waxaan u guuraya gurigayga waana ganacasanaya waana dagaalmayaa hub ayaan iibsan doonaa,si aan iska xoraynayaa kuwii xisaabtayda qaatay”Waxaa yiri nin ganacsado oo dukaan ku lehaa islihi,dhaqsana sii baxay inta aan la boobin.
Waxaa dhanka kale sare u sii kacaya baaritaanada, hawlgallada qabqabashada iyo xarigga joogtada ah ee lagu hayo dadka Soomaalida ee ku sugan magaalada Nairobi taasoo horseeday in ganacsatada iyo cidkasta oo Soomaali ah ay raadsadaan meel ay uga baxaan Nairobi.
Tan iyo markii ay qabsadeen Kismaayo ayaa kenya iska dhex aragtay kuwa dhulkeeda jooga,taaso u horey u yiri ninkii baqtiyay kal hore Saitoto”Maska aan dabadiisa Kismaayo dagaalka ugala jirno madaxiiso wuxuu yaala Islihi Nayrobi oo ula jeeday ganacasatada Somaliyeed iyo dadka ku nool Nairobi.
Waxaa soo baxaya digniin sanad ka hor Kenya ay u jeediyrrn Shabaabku oo ahayd hadii aad faraha la gasho Somaliya oo aad dagaalka aad gashay ka bixin waxaad ogaan doontaa inaad shalaay ku danbeyn doonto,oo meel cidlo ah aad istaagi doonto,taaso qeynteedii hore soo muuqanaysa.
Banaadir Post.