Dagaal-ooge Cabdi Jiinow Calasow”Sawirka kore” ayaa ciidamada Amisom”Gumaadsom” Towgooda ku geyeen magaalada Jowhar oo dhowr sano nabad ahayd ayaa hada waxaa ka taagan dhibaato aan qoraal lagu soo koobi karin.
Dagaal-ooge Cabdi Jiinow ayaa hada ku sugan cabsi,maxaa yeelay Jowhar oo dhan ayaa kacsan qabiilada degan oo aad u diidan Jiinow iyo maamulkiisa Kaaraha Amisom saaran, Jiinow waxay qaraabo yihiin Maxamed Dheere, ninkii bari dhibaatayn jirey dadka reer Jowhar kaaso mudo ka hor ku geeriyooda isbtaalka Amisom ay ku leedyahay Xalane magaalada Moqdisho oo ay xooga ku joogaan.
Dadka reer Jowhar ayaa dacwad ka dhan ah Jiinow iyo Amisom u gudbiyay Xassan Sheekh oo Moqdisho fadhiya asna saaran kaaraha Amisom,waxna uma qaban”Hadii daawadii bukooto maxaa lagu daaweeya”.
“Somalia Kaare Itoobiya laguma xukumi doono” waxaa yiri Shariif Sheekh Axmed oo markii danbe la saaray kuna xukumi waayay maantana ku sugan Uganda isaga oo qaxooti ah!.
Banaadir Post.