Kolonyo ka tirsan gaadiidka ciidamada Amsoma ayaa galabta gabal dhicii towgooda marsiiyay cunug ama wiil aad u da’yar magaalada Moqdisho gaar ahaan Xaafada Curubo ee degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.
Ma ahan markii ugu horeysey oo sidan kale yeelaan waana wax joogta ka ah meelaha ay tageen oo dhan,waa dhib aan qof ka hadashaa jirin kuwa isku sheega inay madax u yihiin Somalida iyo Saxaafada Somalida oo ah kuwa ku inkaarsaday inay qariyaan dhibka gumaysiga madow ku hayo shacabka muslimka ah ee Somaliyeed.
Ehelada wiilka maanta ay dileen gawaarida Amisom ayaa sheegay in in kolonyadii gaadiidka ahayd ee dilka geystay ineysan u istaagin mana ahan wax cusub.
Ehelada wiilka ayaa sheegay iney ciidanka Amisom ay hordhigeen waraaq ay ku qorneed in Amisom ay dishay wiilkaas da’da yar balse waxa ay sheegeen in Saraakiisha Amisom aysan u garaabin oo ay ka biyo diideen arintaas waxayna ku gaabsadeen in maalinta Berri ah ay usoo laabtaan.
Ma jiro oqf mas’uul sheegta oo Somali ah oo isataaga arimaha noocaan ah oo gaysanayaan kuwa soo duulay,waxaa intaas inay ku dhiig baxaan dhulka Somaliyeed,waxaana iska cad ama la ogyahay inay maalin aan fogeyn baneey doonaan gayiga Somaliyeed iyaga oo bahdilan oo dhiban.