KISMAAYO OO KENYA LOO HOOS FADHIYO!!:-Wafdigii Kibaki u ogaalay inay Kismaayo tagaan oo Kismaayo gaaray xili colaad beelo u dhaxaysa iyo dagaalo ka jiraan.

23613382Xasan Sheekh  ayaa loo ogaaladay inow Kismaayo u diro wafdi isaga matala waxaana arinkaas loo hoos fariistay Kibakiga Kenya,kal hore ayay ahayd markii birta loogu soo dhuftay oo la soo celshay wafdi ka socda  maamulka ka arimaya Banaadir ee Xasan Sheekh horjooga ka yahay,taaso ceeb iyo waji gabax lagala kulmay wixii Kismaayo ka dhacay.

Axmed Madoobe”Raaskoobi” ma rabyo ama raali kama ahan wafdigan ka yimid Xamar laakin Kenya ayaa ku qasabtay inow soo dhaweeo,Axmed Madoobe ayaa Shalay laga soo diray Nairobi si  u soo dhaweeyo wafdigan.

Beeleha kale ee degan Kismaao ayaan raali ka ahayn waxa ay wadaan Kenya iyo Kuwa hoos joogaba,sida, maamulka Banaadir ee Xasan Saheekh iyo Kibakiga Kenya,waxaana maalin hore colaad xun oo aan weli la xalin dhex martay Raaskabooniyiinta iyo beelaha kale oo kissmaayo degan kuwaas oo aad u hubaysan.

Waxaa intaas sii dheer  Shabaabkii shan sano xukimi jiray Kismaayo  oo xoog aan caadi ahayn ku jooga dhulka Kismaayo ku wareegsan,kuwaas oo maalmahan dagaalo  Kenya ku hoobatay ku galay tuulooyin Kismaayo ku wareegsan oo kenya isku dayday inay gaarto,ka dibna ka soio noqotay.

Wafdiga  Kismaayo waxaa kamid ahaa  wasiirka arimaha gudaha iyo amniga ninka ugu magacaaban dowladda Fedraalka C/kariim Xuseen Guuleed, wasiirka gaashandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka Warfafainta Isgaarsiinta Boostada iyo Dalxiiska C/laahi Ciilmooge Xersi .

Waxaa weli la isku haysta dhul ninkii iska lahaa noolyahay”Farri kama qodna Faanoole”

Maxamad Cabdi Kaliil  ayaa sheegay in magaalada Nayroobi lagu uruurinayo dad aanan matali Karin gobolada Gedo iyo Jubooyinka, kuwaasoo la doonayo in lagu khaldo ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu intaasi ku daray inaaney marnaba ogolaan Karin qorshahaasi iyo dhibaatooyin kale oo ka taagan magaalada Kismaayo sida:- isku dirka qabaa’ilka, abaabulka colaadaha iyo ugaarsiga wax garadka oo uu ku eedeeyay Axmad Madoobe.

Haddaba Kaliil ayaa waxa uu ka hadlay arimo kale oo ku saabsan xaaladda gobolada Gedo iyo Jubooyinka.

Halkan ka dhagayso Waraysiga Kaliil

Banaadir Post.

23510058