Buuq, sawaxan iyo hanjabaad xildhibaanada dhexdooda ah ayaa dooda udub dhexaad u ahaa, waxaana la yaab lahaa hadalo dhex maray Xildhibaan Ibbi iyo xildhibaan Aadan oo doodooda ku muujiyay sida uu dalka maxmiyad ugu jiro.
Xildhibaan Aadan oo marka hore qaatay hadalka ayaa sheegay inaaney dowladdu ogeyn tirade ciidamadeeda, waxaana la yaab leh buu yiri’ ujeedada loo qarinayo xilligan maadaama ay ciidamadu yihiin kuwa ay soo tababaraan cadawgii laga qarin jiray tiradooda sida Itoobiya iyo Kenya.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday ku takri falka lagu sameeyo dhaqaalaha, wuxuuna tusaale usoo qaatay wazaaradda maaliyadda oo koreysatay guri ka qaalisan miizaaniyadeeda.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa wax aan wanaagsaneyn ku tilmaamay safaaradaha faraha badan ee ka furan magaalada Muqdisho, wuxuu yiri’ “maxaa naqa quseeya safaaradda Shiinaha, Ruushka, Afganistaan” hadalkan oo uu si weyn uga carooday Xildhibaan Ibbi.
Ibbi ayaa waxa uu si cad u yiri’ “haddii ruushka la iga taabto anigana waxaan wax ka sheegayaa Turkiga iyo Koofur afrika”. Buuq hor leh yuu dhaliyay hadalka Ibbi.
Halkaan ka dhagayso Codka Ibbi
XIGASHO RADIO ALFURQAAN
Banaadir Post.