Magaalada Moqdisho ayaa ah magaalo ay deganyihiin dad Muslimiin ah oo Somali ah waxayna la daalo dhacayaan dhibaatayn ay ku hayaan kuwa soo duulay Ciidan ahaan iyo Caqli ahaanba,waana tabo lagu yaqaan Gumaysiga cusub.
Turkida ayaa mudooyinka danbe faraha kula jirtay Somaliyeed,wuxuuna soo maray beelo gaar ah oo Somalida ka tirsan kuwaas oo xooga dhaqaalo ah la siiyay si ugu suurta gasho inay helaan danaha ay ka leeyihiin dadka iyo dalkaba.
Turkida ayaa ah wadan ka tiran Nato waxa loo yaqaan,waana wadankii laga jabiyay Khilaafadii Islaamka welina hor taagan in helo khilaafo islaam ah oo aduunka laga taago.
Waxaa maalmahan danbe la arkay dad la sixray oo dhamaantood u badan dadka dhaqaale ahaan fiicaan una badan ganacsatada iyo kuwa leh reeraha balaaran oo sii fidiya.
“Waxaa la keenay Moqdisho dad la soo baray sida dadka loo sixro”Sidaa waxaa yiri nin la sixray walaalkiis oo ganacsade ahaa.waana la yaabnay in ay inay sixreen kuwo Turki laga keenay oo Sixirooyaal ah.
Waxaa meelo badan oo Moqdisho ah lagu arkay kuwa dadka Indhosarcaadiya ama tusa waxyaabo mala awaal ah oo ka waqtiga looga dhumiyo,kuwaas ayaa taagan meelaha suuqyada ah iyo irdaha laga galo Masaajidyada si loo fiirsado meeshii qofku tukan lahaa ama ganacsan lahaa.
Dhibka Turkida ayaa laga dareemayaa Moqdisho gaar ahaan dhaqan xumida ka jirta xeebaha oo Turkido ku duubto filimo la sheegay in Somali wax ka jisho,kuwaas oo la sheegay in ay dadku la yaabeen Turkida iyo sidii markii loo sheegay ay ka duwan yihiin.
Banaadir Post.