Maleeshiyaadkii Dowlada oo ka fakanaya magaalada Marka iyo Amisom oo la sheegayo inay Afgooye ku noqon doonto.

23588553Maleeshiyaadka DF ee degmada Marka ayaa bilaabay si tartiib tartiib ah in ay kaga barakacaan saldhigga degmada Marka ka dib markii ay u adkeysan waayeen weerarada joogtada noqday ee qaraxyada oo midkii ugu danbeeyay xalay lagu beegsaday.

Amisom ayaa diiday inay sii joogto Shalanbood oo saldhig weyn u ah,sababo la xariira inay ogaatay inay ku soo wajahan yihiin weeraro xoog leh oo lala damacsan yahay,sidaa waxaa yiri dad la shaqeeya kuwa soo duulay.

Waxaa kale oo la sheegaya in dib ugu noqon doonaan Afgooye oo bilo ka hor ay qabsadeen,welina culys weyn ku hayo iyo weeraro joogta ah.

Gudoomiyaha degmada Marka  ayaa dhawaan ku calaacalay gurigii uu magaalada ka deganaa inuu la joogi waayay weerarada qarxinta ah, waxaana uu xusay ku dhawaad 40 weerar oo qarax ah in lagu beegsaday 4-ta bilood ee magaalada Marka ay joogaan.

“Ma jiraan wax ciidamo ah oo amaanka sugaya, boolis meesha ka ma shaqeeyo, inaga iyo ciidamo Milatari ah ayaa noola ka dhexbaxay magaaladan, nimankii cadowga ahaana waa joogaan oo mar waliba guryaheenii ayaan ka joogi la’nahay, 37 bam ayaa lagu dhuftay gurigeyga kaliya” sidaas waxaa ku calaacalay gudoomiyaha Marka ee maamulka DF oo eedeynayay masuuliyiinta DF.

Waxaa la wada ogyahay inay markasta jabaan ama guuldaro la kulmaan kuwa soo duulay,waana wax laga bartay taariikhda casriga.

“Dhulku ma guuro mana gablamo”

Banaadir Post.

23472863