Tashi u baahnaanta buuxinta wada noolaasho darisnimo wanaagsan iyo wada shaqayn buuxda si loo ciribtiro cabsida wadan iyo mida dadeed ee nabad la aanta, taas oo dhibaysa wada shaqaynta gobolka iyo tan wadamadaba.
Ogolaansho labaad ee u diyaar ahaanshada in la hormariyo nabada, amniga iyo daganaanshaha gobalada “IGAD” taasoo raaceeysa sharciyada u taala United Nationka, Midowga Africa iyo kuwa caalamiga ah.
Qodobada heshiiska ama is af garadka Igad ayaa waxa kaloo kamid ah: Ka war hayn in loo baahanyahay wada shaqayn, xasilinta Soomaliya iyo kor u qaadida Demoqraadiyad xoog leh, nabad, kala dambeyn iyo dowlad wanaag guud ahaaneed. Sidoo kale in la helo dib u dhis dagaalada kadib iyo ka wada shaqaynta kor u qaadida amniga, nabad waarta iyo in wadanka oo la xasiliyo.
Ogaansho u baahnaanta wada shaqayn dhow ee u dhaxeysa wadamada dariska iyo dowlada Soomaaliya ayaa heshiiska kamid ah si baa la yiri’ xal loogu raadiyo dhibaatooyinka ay keeneen islaamiyiinta iyo cabsida laga qabo amniga, iyo in sidoo kale loo baahanyahay ogaanshaha xiriir wanaagsan si loo fahmo danaha guud.
Ogaanshaha madaxda wadamada IGAD iyo go’aankii ay dowladaheeda ku taageereen “Joint IGAD commitiiga ee xalinta ama xal u helka koonfurta iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya” iyo ku jiritaanka dowladaha Kenya iyo Ethiopia si ay u caawiyaan samaynta process ama qorshe dhamaystiran.
Waxaa la yaab leh oo isla qodobkan lagu muujiyay maxmiyad cad oo la galinayo Soomaaliya, iyadoo dowladda federalkana ay noqoneyso mid ka hoos shaqeysa maamulada Itoobiya iyo Kenya.
Waxaa isla qodobka ogaanshaha madaxda Igad lagu yiri’ kaasoo xalinaaya siyaasadda iyo maamul u dhisida meelaha la xoreeyay iyo ogolaanshaha dowlada Soomaaliya in ay ka hoos shaqayso sharciyada IGAD ee dib u dajinta xaalada Soomaaliya iyo ogaanshaha wadashaqaynta loo baahanyahay si loo helo daganaan buuxda oo ka dhalata wadanka.
Rabida xoojinta wadashaqaynta iyo in la wada shaqeeyo si wado nabadeed loogu helo gobolada koofureed, kuwa dhexe iyo meelaha kale ee Soomaaliya marka la soo dhameeyo heshiiskan hada lagu dhex jiro.
Heshiiska ayaa waxaa kale oo kamid ah: in mar labaad la cadeeyo muhiimada wayn ee Golaha Amaanku siiyay in la dajiyo meelaha la xoreeyay ee Soomaaliya, helida nabad, dib u heshiisiin, bixinta waxyaabaha muhiimka u ah dadka iyo xoojinta dowladeed. Haday ahaato mid degmo, gobol ama Federaaleed.
Heshiiska ku aadan umuurahan ayaa ah mid si khaas ah ugu dhaxeeya Itoobiya iyo Kenya oo horey u heystay dhul Soomaaliyeed, haddana dhul hor leh qabsaday.
Labada wadan ayaa waxay isla ogolaadeen qodobada soo socda.
1- Ugutalagalid
Waxaa loogu talagalay Heshiiskan is fahamka ah in sharci loo dajiyo sidii lagu hirgalin lahaa xalinta ama xal u helka koofurta iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya, haday ahaan lahayd dhinaca nabadda, amniga iyo dajinta.
2-Micnaha Luuqada
Isfaham heshiiskeedkan ayaa luqad ahaan loo micneeyay waxaana la yiri’ micnihiisu waa kooxda IGAD kuwaas oo ka kooban wafuud ka socda Soomaaliya, Ethiopia iyo Kenya.
Isku dubaridida waxa laga wadaa xafiiska IGAD ee isku duba ridka howlaha Nabada iyo dib u heshiisiinta ee Soomaaliya.
“MOU” Waxaa loola jeedaa wax yaabaha ay Igad ugu talagashay heshiiskan ay wada saxiixdeen wafuuda.
3-aad. Dhabbaha uu qaadayo heshiiska.
Isfaham Heshiiseedkan waxa uu samaynayaa wado ama dariiqa ay uga shaqaynayaan meelaha ay u arkaan in ay tahay muhiim si loo helo daris wanaag iyo arinta ugu muhiimsan ee ah in la raaco wadada ay u dhigtay IGAD
Qodobka 4aad.
Danta laga leeyahay Heshiiskan
Danta ugu wayn ee laga leeyahay heshiiskan ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay Qorshe xalineed oo weyn iyadoo la weeneynayo kooxda ay Igad ugu talagashay laguna darayo koox ay soo magacaawdo dawlada Federaalka ah.
Qodobka 5aad.
Waxa uu qeyxayaa meelaha laga wada shaqayanayo.
Kooxdu waxay isku dayaysaa in ay u hir galaan ama ay hesho waxyaabaha soo socda.
A. sameynta xalinta, hir gelinta nabadda iyo dib u heshiisnta, iyo sidoo kale in la sameeyo qorshe loo dhanyahay oo ah samaynta maamul ka hir gala gobalada koofureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya.
B. in la sameeyo Istaraatiijiyad wada shaqeeneyd oo dib loogu sameynayo meelaha u baahan nidaam dowladeed, taasoo ay ka mid yihiin u dhisidda qaybta Amniga iyo kala dambaynta, dib u dajinta hay adaha caawinaada bani’aadamka iyo xal u helida kala gudbida ama isu socodka xuduudaha.
C. in la sameeyo maamul ku meel gaar ah iyadoo loo marayo wado wadatashi oo dhabaha u xaaraysa in la helo maamul shaqeeya oo ka kooban mid degmo iyo mid gobolba.
D. in la xoojiyo qaybsiga warbixinada iyo kala xog qaadashada iyadoo loo maraayo wado la isku raaco.
E. in la hubiyo in heshiiska wadajirka ah lagu sameeyo wado is faham guud ah si loo xoojiyo wadashaqynta dhinaca siyaasada iyo amniga ee wadanka gudahiisa.
Qodobka 6-aad wuxuu qeyxayaa wada xiriirka iyo wada shaqaynta.
A. kooxahan waa in ay ku wada shaqeeyaan xiriir toos ah iyo wada tashi, iyagoo maraaya xafiiska dajinta heshiiskan ee Igad.
B. kooxaha waa in ay kulmaan mar walba si loo fiiriyo shaqeynta heshiiskan.
C. Dajiyaha heshiiskan waa in uu matalaa IGAD si uu ula shaqeeyo kooxaha oo dhan.
D. kooxaha waa in ay raacaan oo ay hagtaa sharciyada loo dajiyay hirgalinta qorshaha heshiiska xallinta ah ee Igad.
Qodobka 7aad
Xalinta is fahamdarida.
Is fahamla’aan walba oo dhex marta kooxaha saxiiyaasha ee ku saabsan tarjumada luqada heshiiskan waa in lagu xaliyaa wadahadal.
Qodobka 8aad
Wax ka badalida
Kooxaha waa in ay mar walba review ama dib u eegid ku sameeyaan dhaqan galida is fahamka heshiiska, kadibna ay badalaan meelaha ay u arkaan in ay muhiim tahay in wax laga badalo.
Qodobka 9aad.
Bilaabida heshiiskan.
A. Heshiiskan waa in uu hirgalaa marka ay warbixintan soo baxdo.
B. kooxaha waxay ku heshiin karaan in ay baabi’iyaan heshiinkan hadii ay isku afgartaan taas.
C. tirtirida heshiiskan waa inaysan saameyn heshiiska darisnimeed ee wadamada IGAD.
Heshiiska ayaa waxaa kale oo kamid ah: in mar labaad la cadeeyo muhiimada wayn ee Golaha Amaanku siiyay in la dajiyo meelaha la xoreeyay ee Soomaaliya, helida nabad, dib u heshiisiin, bixinta waxyaabaha muhiimka u ah dadka iyo xoojinta dowladeed. Haday ahaato mid degmo, gobol ama Federaaleed.
Heshiiska ku aadan umuurahan ayaa ah mid si khaas ah ugu dhaxeeya Itoobiya iyo Kenya oo horey u heystay dhul Soomaaliyeed, haddana dhul hor leh qabsaday.
Labada wadan ayaa waxay isla ogolaadeen qodobada soo socda.
1-Ugutalagalid
Waxaa loogu talagalay Heshiiskan is fahamka ah in sharci loo dajiyo sidii lagu hirgalin lahaa xalinta ama xal u helka koofurta iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya, haday ahaan lahayd dhinaca nabadda, amniga iyo dajinta.
Halkan ka dhagayso Suldaan Garyare oo Tacliiq dheer saaray sirta ka dambeysa MP3
Waxaa Tarjumay Nuur Axmad.
Qoraalka oo af ingiriis ah http://harar24.com/?p=2525