“Qaraxyada Kenya ka dhacaya waxaan ka jeclaan lahaa in ay Muqdisho ka dhacaan”Xasan Culusow Gurguurte.

23528448Mas’uulka ugu sareeya dowladad Federaalka ee dabadhilifka ah ayaa shaaciyay in maamulkiisu uu aad uga xumaaday qaraxyada is xigxiga ee naafeeyay dhaqaalaha wadanka Kenya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay idaacadda BBC-da laanta Afka Soomaaliga ayaa sheegay in qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee Kenya ka dhaca uu jeclaan lahaa in ay muqdisho ka dhacaan arrinkaasi oo ay layaabeen dadka taageersan DF-ka.

“aad baan u murugoodaa marka aan maqlo qarax  Nairobi ka dhacay waxaan door bidi lahaa in qaraxyadaasi Muqdisho ka dhacaan”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo madax u ah dowladda Federalka.

Hogaamiyaha DF-ka oo u muuqday mid raali ahaanshiyo ka raadinayay madaxda dowladda Kenya ayaa ku tarax tegay taageera raadsigiisa, waan jid Jaay ah oo hore ugu daaleen kuwii isaga ka horeeyay oo iyaga oo dhibaataysan ku nool meeelo lagu hoogay iyo qaar kalena  la arkay iyada oo gaalo jinaaso la kor taagan sida mahiiga.

Xasan Culusow ayaa la hadlayay dad ganacsato u badan  sheegayna  inaysan wax lacag ah  gacan ku hayn,kuna hoos nool yihiin beesha  caalamka waxa ay siiyaan, xili Xasan  ogyahay lacagta ka soo baxda Garoonka iyo Dekada  la siiyo Ciidamada Amisom oo loo keenay inay dadka Somaliyeed ka hor istaagaan inay ku dhaqmaan Kitaabka ALA waxna ka soo saartaan dhulkooda Ilaah siiyay.

Xasan ayaa u hadlay sidii ay u hadli jireen kuwii ka horeeyay  oo sheegi jiray inay lacag u baahan yihiin ugana baahan yihiin ganacasatada Nayroobi oo maanta xaalku ka duwan yahay kii hore ,maxaa yeelay Kenya dagaal ayay kula jirtaa Somalida waxayna xoog ku joogtaa magaalada kismaayo oo ah magaalada  madaxda 3aad ee gayiga Somliyeed,waxaana ku socda dhiigbax,waxaana maalin walba la keenaa qof  ku soo dhintay somalia.

Xasan Sheekh oo caga la galay bishii 4aad oo joogo Villa somalia mana muuqato wax uu qabtay oo aan ahayn inow wasiiro qurbojoog ah iyo  qaar qaraabo yihiin soo keenay oo kaliya.

 

Banaadir Post.

23253022