Tixdani waxay ka mid tahay gabay uu horey u tiriyey Cabdullahi Macallin Axmed (Dhoodaan)
Gardarooy waxbaad geysataa, goor iyo ayaan e
Gafkii aad samaysaa batiyo, godobahaagiiye
Gashi aan yarayn baad qabtaa, jeer lagaa gudo e
Waxaad goyso moyee lawaa, nimaad gargaartaaye
Gurigii barwaaqaysan baad, gubi taqaanaaye
Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee, guul ma xoogsade ee
Waxa soo baxaysa in qayladii iyo calaacalkii ka dhammaaday madaxyo-weynta Kenya iyo kuwa la ooya, amase ladamqada. Waxay aad uga cataabaan in qalalaase iyo amni xumo la soo deristay dalka Kenya, oo miyeysan ogeyn inay dal dhan oo xor ah, ummad dhan oo Muslimiin ahna ku nool yihiin aay har cad ku duuleen dadkiisiina laayeen wixii toodii gashay, su’aasha aay hadda is weydiinayaan maxay tahay yayse ku cataabayaan?!
Alle (swt), markuu kufaarta ka hadlayey wuxuu Quraankiisa Kariimka ah ku sheegay inay yihiin kuwa garnaya nolosha daahirkeeda, laakiin aayan ahayn kuwo aakhiro wax ka og.
Halkaa waxaa laga fahmayaa adduunyo rog-rogitaankeeda iyo meesha dantoodu ku jirto maahan kuwa dhumiya oo waa aay ku dadaalaan, sidaa darteed maaha kuwa garan waayey wixii aay faleen, laakiin kuwan Biddaha ah ee Keenyaanku maaha kuwa xataa fahmaya wixii aay geysteen, waxaana muuqata inayan xataa dareensaneyn inay ummad ku duuleen. Taasi waxay markhaati cad u tahay inta uu le’egyahay dulqaadkooda iyo xamilka aay xamili karaan dhib ku yimaada. Dadnimo xumada iyo jiljileecuna waa dhaqan gaalo, laakiin ragga Alle (swt) isu dhiibey ma mudna jiljileec markii aay is qaabilaan kufaar huuralay.“Keenyaay war moogey ma laguu waramay”.
Sida cinwaanka qoraalka ku cad, nin hadduu agoon yahay oo aabbihii tiiAlle (swt) u timaaddo, wax macno leh uguma fadhido nin nin aabbihii noolyahay oo uu Jimce walba gacanta qabto una sahlo wixii aabbe ubadkiisa u qaban lahaa, Kenya waxay ahayd dal muddo konton (50) sano ah ka badbaaday dagaalladdii ahliga ahaa (civil war), ee saameeyey dalal badan oo oo mandiqadda ku yaal, sida Uganda, Suudaan Itoobiya iyo Soomaaliya, oo aay intaba xuduud ku sheeg la wadaagto. Keenya waa dal aayImbiryaaliyadda Caalamiga ahi aay ilaashadaan iyagoo ku haystay dano badan oo siyaasadeed iyo mid istaraatiijiyadeedba(political and strategically wise), Kenya waxay saldhig maqaarsaar ah oo laga maamulo danaha dhowr dal u ahayd mandiqadda, howl kasta oo sahyuuniyadda caalamiga ah ka damacsaneyd Bariga Afrikana iyadaa gar wadeen u ahayd.
Nabadda iyo jiritaanka dalka Kenya wuxuu ahaa midaan muran la gelin karin, waxaa taariikhda ku cad markii aay isku yaaceen mindiyahana iska asleen 2007dii, markaas oo aay dhacday in muddo todobaad ka yar aay ku nafwaayeen kumanaan ka mid ah qowmiyadihii siyaasadda isku hayey, tobonaan kun oo kalena ku bara kaceen oo aay lumiyeen dhulkii aay muddaba deganaayeen, welibana aay yareyd dhibka uu geysan karo hubkii aay ku dagaalamayeen oo ahaa hub qadiim ah (primitive weapons), kaasoo ka koobnaa Mindiyo, Baangado iyo Seefo oo aad uga dhib yar markii aay noqoto in lagu daggaalamo hubka casriga (modern weapons) ah, ee meelo fog-fog wax ka gumaada, kaasoo macquul ka dhigi lahaa in la waayo boqolaal kun oo nafley Keenyaan ah, taasoo calaamad u ah cadaawadda dhextaal iyaga laakiin aay leeyihiin ehel Diimeed iyo mid Mabda’eed oo kala celiya markii aay isu xayd-xaaytaan. Damintii colaadooda waxaa ka soo qayb galay rag badan oo la aaminsanyahay inay magac siyaasadeed iyo mid hogaanba ku leeyihiin Qaaradda Afrika iyo dunida kaleba, si loo dejiyo xaaladooda.
Taa waxaa bedelkeed ah markii Soomaalida ilaa 1978kii lagu soo hubaynayey jabhado ka soo sahay qaatay cadowgii Soomaalida iyo Islaamkaba ee Itoobiya iyo Kenya oo siyaasiyan u qaabili jirtay ciddii diiddanayd nidaamkii markaa ka jirey Soomaaliya, oo aan isagu Islaami ahayn, laakiin ka qowmiyasanaa kuwa hadda jooga oo noocma dowlad u’akaa. Waxaa iska macruuf ahayd in mindiyo loo soo dhiibo hadba kooxdii la filayo inay u heellan tahay inay Soomaali dumiso amase qar ka tuurto, laakiin cadowga inagu xeerani marnaba ciidamadiisu suurto gal ma ahayn inay soo tallaabaan xad beenaadka aay inala wadaagaan, ilaa la gaarey in layska qabtay kuwii aay mindiyaha u soo dhiibi jireen, Jabhadihii iyo Qabqablayashii, ee iyaga cammiilada u ahaa.
Ummaddu markii aay kuwaa iska qabatay, oo aay fahmeen in Muslimiinta Soomaalida ahi in kuwani agoomeeyeen, oo aa aabbayaashood laayeen, maxaa dhacay?! Waxaa dhacay in kufaar oo dhammi isa soo bahaysato iyagoo dareensan in agoontii Soomaalida ahayd ogaatay kuwii agoontimeeyey, oo ah Mareykan, Ingiriis, Talyaani, Faransiis, Itoobiya, Uganda, Kenya, oo haddana raba inay agoonnimmadii ku sii hayaan, laakiin xisaabta kuma an aay darsan in nin aabbihii noolyahay uusan waxba yeeli karin nin agoon ah.
Sidaan horey u xusayba, Kenya, waxay ka mid tahay kuwa aabbahood noolyahay, waxay daandaansi iyo khasiyad la soo doonatay nin agoon ah, Soomaaliya, laakiin Alle (swt), leh kuna kalsoon, waxaa dhegaha loo wada taagayay wixii ka soo baxa nin aabbe leh iyo nin agoon ah markii aay is qaabbilaan. Waxaa durba soo baxaya dhawaaq muujinaya dadnimo xumada Kenya iyo meesha tabari dhigtay, iyadoo weliba aay muuqato in dhaqaale badan lala garabtaagan yahay si aay u meelmariso xarbu wakaalaha (Proxy war), loo soo dhiibay.
Cadaaladda Raabi waxaa ka mid ah in maantadan la joogo aay isku mid yihiin magaalooyinka Kenya uga waaweyn, oo qaarna iyadu leedahay, sida Nairobi, qaarna aay gumaysi ku haysato sida, Mombasa iyo Garissa, iyo kuwii ku yaalla dhulka Soomaalida sida, Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Beledweyne, markii laga eego xagga amniga, kullinna isku si baa cadowga loogu wax yeeleeyaa, qaraxyada iyo nidaamdarraduna uga socota, marka Keenyaaay ma is weydiisay wixii aad faa’iiday markii lagu farey inaad si indho la’aan ah xad beenaadka aad la wadaagto Soomaaliya aad ka tallowdo? Jawaabtu waa iska caddahay oo waad faa’iiday waxaadna faa’iiday in xisaab badan oo xaqdarro ah oo xaggaaga jirtay aay kaasoo noqoto, in qofku xaq baxo oo wax uusan lahayna laga soo ceshaa isagay u wanaagsan tahay, marka ogow waxaad horey u xalaaleysatay baad soo celinaysaa haddii Alle (swt) raalli ka noqdo.
وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين
Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan).
Banaadir Post.