Iyadoo ay madaxda ugu sareysa Dowladad Federaalka ay dhawaan magaalada Muqdisho uga dhawaaqeen in ay qaadeen dhammaan isbaarooyinkii yiillay Muqdisho iyo shabeelaha Hoose ayay weli isbaarooyinkaasi yaallaan.
Wararka nagasoo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in degmada Dharkeynleey lasoo dhigay dhowr isbaaro oo gaadiidka dadweynaha lacago baad ah looga qaadayo.
Macalin Cabdulle oo ku magacaaban gudoomiyaha degmadaasi ayaa xaqiijiyay in isbaarooyin lasoo dhigay degmadaasi balse wuxuu sheegay in talaab laga qaadi doono maleeshiyaadkaasi.
“Way jirtaa in laba isbaaro lasoo dhigay Dharkeynleey balse ciidanka ammaanka ayaa ku howlan in ay talaab ka qaadaan kooxaha isku dayaya in ay jebiyaan amarkii madaxweynaha”ayuu yiri Macalin Cabdalle.
Dhinaca kale isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid ayaa lasoo dhigay isbaaro gaadiidka lacago baad ah looga qaadayo,maleeshiyaadka mooryaanta ah ee dowladda Federaalka ayaa ku caanbaxay dhaca hantida shacabka.
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la soo dhigay Isbaaro ay Ciidamada dowladda ay leeyihiin lacagana ay uga qaadanayaan Gaadiidka halkaasi isticmaala. Goob Joogayaal Warbaahinta u warramay ayaa xaqiijiyey in Isbaaradii Kontoroolka Baar Ismaaciil ee lacagaha looga qaadi Jiray Gaadiidka isticmaala waddadaasi dib loo soo celiyey.
Baar Ismaaciil oo aan Waayadan wax lacagaa looga qaadi jirin Gaadiidka Isticmaala ka dib markii Maamulka Degmadaasi Afgooye uu u hoggaansamay awaamiirtii Madaxweynaha ayaa maanta markale halkaasi lagu arkayay lacago sharci darro ah oo maamulku halkaasi ku qaadayay.
Guddoomiyaha Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose Cabdullaahi Cabdi Axmed oo arrinkaasi ay Idaacadaha wax ka weeydiiyeen ayaa waxa uu ku dooday in Maamulku uu dib ubillaabay Qaadista Lacagaha Canshuuraadka ee Degmadaasi, Isagoo intaasi ku daray in lacagahaasi wax looga qabanayo ammaanka Degmadaasi Afgoooye ee Gobolka Sh/hoose iyo howlaha kale ee adeegga bulshada.
Lama oga Waxa Dowladda Soomaaliya ay ka yeeli doonto Maamulkaas Degmada Afgooye ee Amarkooda sida aan gambashada lahayn u jebiyey, Waxana xusid mudan in Degmooyin kale ay Indhaha ku yaan Degmadaas Afgooye oo Haddii ay Dowladdu ka aamusto waxna ka qaban weyso ay dhici karto in ay Iyaguna Isbaarooyinkii laga qaaday soo dhigtaan, Fowdadiina ay halkeedii kasii socoto.
Banaadir Post.