DHAGEYSO:-“Dowladdu Waxay Ku dhawdahay inay Kacararto Marko,Shan Jeer ayaan Dil Kabadbaaday”Gudoomiyaha Dowladda ugu Magacaaban Magaalada Marka Axmed Cabdiraxmaan Cukaasha.

23528184Gudoomiyaha Dowladda ugu magacaaban Magaalada Marka Axmed Cabdiraxmaan Cukaasha  ayaa Sheegay in Muddo shan Jeer ah uu kabadbaaday Isku day Dil oo ladoonayay in lagu dillo.

Cukaasha ayaa sheegay laba habeen oo isku xigta in Shabaab guriga Marka uu kadaganyahay ay kusoo weerareen Qaraxyo loo adeegsaday Bam-Baanooyinka laga tuuro gacanta.

“Dowladdu way dayacday magaalada Marka,magaalada Waxaa kashaqeeya oo kaliya istaafkeyga iyo Milatari Yar,dhowr jeer ayaanu codsanay in magaalada lakeeno ciidamada Booliis iyo nabadsugid”ayuu yiri Cukaasha Gudoomiyaha Marka.

“Haddii sidaan xaalku uu sii ahaado Dowladd kama shaqeyn doonto Marka,waynu ku kala carari doonaan”ayuu kudhidbay hadalkiisa Gudoomiyaha Marka oo laga dareemayay cabsi soo wajahday.

Dhagayso Wareysiga Cukaasha Gudoomiyaha Marka

Banaadir Post.

23179817539479_437479249627935_900848736_n