http://www.youtube.com/watch?feature=player_detailpage&v=2FSqXl7ueI4
Dhimashada afartanka ruux iyod haawac tiro kale ayaa timid sida ay muujianayaan sawirro iyo muuqaalo video ah oo ay soo bandhigeen warbaahinta Kenya ka dib dagaal aanw axba la isku reeban oo beelahaasi ku dhexmaray gobolka Tana River ee koonfur bari wadanka Kenya.
Wararkuw axaa ay intaasi ku darayaan in tuulooyin iyo guryo badan ay sidoo kale ku gubteen dagaalkaasi oo ahaa kii ugu darnaa oo mudooyinkan halkaasi ka dhaca.
Qabaa`ilka is dagaalay ayaa isku adeegsaday Mindiyo, faasas iyo qalabkasta oo wax lagu dili karo, iyadoo aan caruur haween iyo odayaal midna la isu cafin.
Dadka Kenya ayaa ka mid ah dadka ugu cawaansan marka la eego hab dhaqanka xilliyada dagaalka maadaama aanay lahayn wax diin ah oo kala haga iyo xadaarad dhanka dagaalka ah midna.
Kenya ayaa u muuqata mid ku fashilantay inay kal dhexgasho beelaha sida micno darrada ah isu gumaadaya iyo inay gudaha amaankeeda sugto, iyadoo taa bedelkeeda si indho la`aan ah ciidamadeedu ku soo galeen Soomaaliya.
Banaadir Post.