Kulanti wanaagsan dhageystayaal meel walboo aad joogtaan, kuna soo dhawaada barnaamij gaar ah oo aan ugu magac darnayMuqdisho iyo marxaladda maanta.
Sida aad ka dheehan kartaan halku dhegga, waxaan barnaamijka uga hadleynaa marxaladda ay maanta ku sugantahay magaalada Muqdisho.
Barnaamijka oo ka kooban dhowr xalqadood ama dhowr qeybood ayaa waxaan si khaas ah ugu tiigsan doonnaa, talada magaalada iyo ciida ay gcanta ugu jirto, ammaankeeda, nolosha dadka, wax barashada, caafimaadka, ganacsiga, hawlaha hey’adaha iyo qodobo kale oo muhim ah.
Waxaa barnaamijka nagala qeyb galaya dad xog ka haya ama la nool qodobada aan ka hadleyno.
Haddaba dhageystaal waxaan mar kale idin leenahay kusoo dhawaada qeybta 1-aad ee barnaamijka Muqdisho iyo marxaladda maanta.
qeybta kowaad ee barnaamijka waxaad Kudhagaysan Doontaan taariikho iyo dhacdooyin goos goos ah si aan u ogaano waxa ay ahayd magaalada aan maanta ka hadleyno.
Muqdisho oo ah magaalo istaraatiiji ah, juqraafi ahaana meel wanaagsan kaga taala dalka ayaa waxay can ku ahayd in lagu soo duullo, iyana ay is difaacdo.
Gumeystayaashii ay muqdisho darsiga u dhigtay ayaa waxaa kamid ah ciidamadii Bortoqiiska oo dalkeena kusoo duulay sannadku markuu ahaa1295-tii, haddaba taariikhda dhacdadaasi ku aadan ayaa waxaa wax ka qoray aqoonyahan Xeydar, waxaana Kudhagaysan Doontaan Barnaamijka Qeybtiisa Koowaad.
Bortoqiiskii kadib waxaa dalka kusoo duulay gumeystayaal kala duwan waxaana kamid ah:- Itoobiya 1504-tii, Masar 1870- Farance 1884-tii, Talyaani 1886-dii iyo kuwa kale oo inagu soo maqan.
Gumeystayaashaasi uma aaney suuragalin in ay qabsadaan caasimadda inta aan Tayaaniga ka ahayn, waxaana xusid mudan in talyaanigu ahaa gumeystihii ku xigay Bortoqiiska marka loo eego duulaanka caasimadda.
Halkaan ka degso codka oo ah mid tayadiisu sarayso.
Halkan Kadhagayso Barnaamijka Qeybtiisa 1aad.
Talyaaniga ayaa waxa uu kasoo dagay xeebta Warsheekh oo ka tirsaneyd magaalada Muqdisho, waayo labada Shabelle iyo Muqdisho waxaa la isku oran jiray Banaadir sida uu sheegayo Maxamad Maxamuud Faarax Maryacadde oo kamid ah odayaasha magaalada Muqdisho ee kaqaybgalayo Barnaamijkaan Ugu Magacdarnay Muqdisho iyo Marxalada Maanta.
Halkan ka degso codka oo tayadiiso hooseyso.
Halkan Kadhagayso Barnaamijka Qeybtiisa 1aad.
Dagaalkii xilligaasi socday waxay gaaladu ku dagaalamayeen hub casri ah halka Soomaaliduna ku dagaalamayeen faasaska iyo wixii lamid ah.
Malaaq Cali Malaaq Colow Malaaq Showri oo isna kamid ah odayaasha Muqdisho ayaa waxa uu ku faahfaahinayaa Barnaamijka Hubkii ay Soomaalidu isticmaalayeen.
Dadka Muslimiinta ee Soomaaliyeed ayaa waxay talyaaniga ula dirirayeen beel-beel ama qabiil qabiil sida haddaba ay qabaa’ilka qaar ula dagaalamaan shisheeyaha.
Markuu talyaanigu ogaaday in xaalku sidaa yahay ayuu go’aansaday in uu qabaa’ilka kasoo maro dhanka odayaasha dhaqanka maadaama khasaare ba’an dhabarka loo saaray.
Haddaba waxaan halkaasi ka ogaanay in gumeytuhu uu markaasi inaga soo galay odayaasha dhaqanka, kuwaasoo illaa iyo maanta xiriir la leh odayaasha iyo culimada Soomaaliyeed qaarkood.
Rabi Naxariistii Janno haka waraabiye’e Sayid Maxamad Cabdulle Xassan ayaa lagu xusuustaa in uu dhankiisa guubaabin jiray odayaasha si aysan ugu dagmin sandareertada gumeystaha.
Meelaha uu odayaasha kula kulmi jiray Sayidka ayaaw axaa kamid ah magaalada Muqdisho.
Marka aan ku laabano duulaankii Ingiriiska ee xigay kii talyaaniga ayaa waxaa dhacay dagaalo xooggan oo ay dadka muslimiinihi kula galeen dalka qeybihiisa kala duwan oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.
Nooca dagaalka lala galay Ingiriiska wuxuu ahaa ku dhufo oo ka dhaqaaq sida uu sheegayo siyaasiga Saalax Badbaado oo qayb ka ah Dadka kaqaygalaya Barnaamijkaan.
Gumeytayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa muddo badan oo lala dagaalamay kadib go’aansaday in ay isaga baxaan Soomaaliya madaxna uga dhigaan dad ay iyagu soo tarbiyeysteen isla markaana aaminsan qawaaniintooda.
Xigasho Idaacadda Islaamiga ah Alfurqaan.