MAQAAL XOG SHEEG AH:-Gumeysiga Qarsoon ee Soomaaliya,W/Q: Cabdul-xakiim Yuusuf Syria

23510058Waxaan shaki ku jirin in duullaanka lagu soo qaaday wadanka Somalia, uu leeyahay u jeedo gooni ah, taasi oo lagu sifeyn karo damac gumeysi oo lagu doonayo in lagu galiyo Umadda Soomaaliyeed, intuu doono hala ekaadee.

Nuxurka qoraal keyga ayaa ah mid aan kaga golleeyahay in aan ku sifeeyo in soo duulayaasha jooga wadankeena ay yihiin kuwa loo soo kireystay  Umadda Soomaaliyeed, si gumeysi ay u galiyaan dadka Soomaaliyeed.

Dowladaha Afrikaanka ah ee kusoo duulay wadanka Somalia, waa dhowr dowladood kuwaasi oo  wakiil kaga ah duullaanka ay kusoo qaadeen Umadda Soomaaliyeed ,dowladaha reer Galbeedka.

Laakin sida muuqata ciidamada Afrikaanka ah ee jooga wadanka Somalia,waa ciidamo loogu talagalay in ay fuliyaan danaha dowladaha reer Galbeedka, taasi oo ah in ay hir giliyaan dimuqraadiyadda, isla markaasine ay meesha ka saaraan maamulada islaamiga ah ee ka jira wilaayaadka dalka kuwaasi oo dadka Muslimiinta ah ku maamula Shareecada Islaamka.

Soo duulayaasha ma xaqiijiyeen Hadaf kooda .

sida ii muuqata waxaan arkaa in dhowr arimood oo ay doonayeen ciidamada Afrikaanka ah ee loo soo kireystay Somalia in ay xaqiijiyeen qeyb ka mid ah u jeedooyinkii ay la haayeen.

kuwaasi oo qaar kood aad ka daawateen baraha Internedka  iyagoo Towxiidka ku badalaya calaamadda Kirishtaanka ah sida ka dhacday magaalada Kismaayo markii ay Mujaahidiinta si xerfadeysan ugu baneeyeen Kenyaatiga  iyo sidookale meela badan oo uu Cadowgu kusoo duulay oo kamid ah wilaayada Islaamiga ee ka jirtay ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Balse ficilkaasi ay ku dhaqaaqeen Cadowgu  ayaan u arkaa in ay tahay mida la xiriirta diinta Islaamka oo ay nagu heystaan, waxaana hubaal ah in qof kastoo go’aan sada in uu ku dhaqmo diinta Islaamka lagu tilmaamo in uu yahay Argagixiso ama Xagjir.

Taasi baddal keedane  qofkii yiraahda waxaan hir gilinayaa dimuqraadiyad ay ku tilmaamaan in uu gaaray hormar, Aduunkane uu la jaanqaadi karo .

Laakin waxa xusid mudan in kuwii sheegtay in ay qaateen ku dhaqanka dumuqraadiyadda ay yihiin kuwa maanta ugu baahida badan Aduunka marka laga eego dhanka ammanka iyo waliba hormarka, halka qaar koodna xilliga ay Faqiir noqdaan ay is dilaan.

Duullanka lagu soo qaaday wadanka Somalia in uu yahay mid ku dhisan gumeysi waxaa idiin cadeen kara in duullanka ciidamada Afrikaanka ah ay burburiyeen dhamaan wax yaabaha udub dhaxaadka u ahaa Umadda kuwaasi oo kala ah.

Dalka.

Ra’yiga.

Xornimada.

Iyo kuwa kale oo asaas u ah Umadda hadii laga waayane ay hubaal tahay in Umaddaasi ay ku jirto gacanta gumeysiga.

Diinta oo ah waxa ugu horeeya ee Umad lagu qiimeeyo, ayaa waxaan qarsooneen in ay tahay hadafka koowaad ee shisheeyaha ugu soo duuleen Umadda Soomaaliyeed , waana taasi mida keentay in loo dilyo ama loo xabiso ama xitaa ay ku muteystaan in loo dhibaateeyo.

Waxaana ogaan kara qof kastoo jooga Somalia ama goob joog usoo ahaa meelaha gumeysiga uu ka jira sida dhulalka Muslimiinta ay gaalada ku duuleen oo laga xusi karo Ciraaq, Afghanistan iyo waliba wadanka Somalia oo isna hadda lagu heysto maxaa isugu maamuleysaan shareecada Islaamka.

Waxaa soo labeeyo u jeedooyinka gurracan ee uu leeyahay gumeysiga sida in uu qabsado wadan Muslim ah, laakin ma is weydiisay waxa keenay in la qabsado dhulalka Muslimiinta ah .

Waxaa durbadiiba kuu soo baxaya in dhulka la qabsaday uu yahay dhul ay ku nool yihiin Umad Muslimiin ah u jeedkane uu yahay in la gumeysto dadkaasi lagu duulay dhulkooda.

Hadafka kale ee muhiimka ah in leys weydiiyane ay mudan tahay ayaa waxa uu yahay Ra’yiga dadka Muslimiinta ah ee dhulkooda lagu duullay.

Waxaana tusaale kaaga filan, iyadoo Cadowgu uu joogo dhulka Muslimiinta suura galna matahay  in aad dhahdo waxan dhaqan galinaa shareecada Islaamka?.

waxaan filaa in jawaabta durbadiiba kuu soo baxeyso ayadoo wax shaki ah aan kaaga jirin in ay tahay maya, hadii aad ku adkeysatane aa u diyaar garoobeyso dagaal .

Waxaana kaaga filan Mujaahidiint Soomalia wax lagu heysto oo ah in ay yiraah deen waxaan dhaqan galineynaa shareecada Islaamka taasi oo keentay in loo beeg sado ayagoo laga dhigay dad danbiilayaal ah .

Waxaana shaki ku jirin wadankaada oo uu Cadow joogo hadii aad ogalaato wax aan ka aheyn dimuqraadiyad aad noqoneysid taar gad meel kastane lagugu bartilmaameed sanayo, adigoo laguu sameyay magacyada ah Xagjir iyo Argagixiso.

Qodobka ugu danbeeya ayaa ah midka la xiriira Xornimada qof ka Muslimka ah ee lagu duulay dhulkiisa, waxaana hubaal ah in wax Xornima ah uu san heysan maadaama la qabsaday dhulkiisa .

Qofkaasi sida muuqata waxa uu noqonayaa qof kal hore lasoo qabsaday dhulkiisa, diintiisa, ra’yigiisa, waxana xornimo ugu danbeysa maalintaasi uu Cadowgu xaqiijiyo, arimaha aan kor kusoo xusay kuwaasi oo ku qotama jiritaanka Umadda iyo sharafteeda.

Ugu danbeen waxaan Umadda xasuusin lahaa in aysan Cadowgu isku dulleyn  isla markaasine ay qaataan Amarka Allaah kaasi oo ah in lala dagaalamo Cadowga ku soo duulay  Umadda dhaqaalihii ay la heydna boobaya.

Balse waxaa hubaal ah in Umad kastoo la dagaalanta gaalada , iyadoo Caziiz ah noo laaneyso  halka kuwa diida in ay difaac daan sharaftooda iyo waliba diinta ay noqoneyso dulli.

Hadaba aan u kacno la dagaalanka gaalada waa dhow yaahy Nasriga Allah uu u ballan qaaday Adoomihiisa ku jira sufuufda dagaalka ee difaacaya kalimeda Towxiidka.

W/Q: Cabdul-xakiim Yuusuf Syria.

23509684