Todobo Sheyba Xor Uma Tihide Ogow!!

23451857Su’aal kama taagna in dalkeena uu gumeysi ku jiro, laakin muhiimadda maqaalkan ayaa waxay tahay in si kooban loo tilmaamo inta uu la egyahay gumeysiga na dul saaran.

Dalkeena waxaa ku sugan ciidamo Afrikaan ah oo ka socda todobo wadan oo kala ah: Uganda, Burundi, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Siiralyoon iyo Nayjeeriya.

Ciidamadan oo duulaanka dalkeena wakiil uga ah dowladda Mareykanka ayaa waxay dagganyihiin inta badan magaalo madaxyada gobolada dalka.

Mareykanka iyo Qaramada midoobay ayaa sheegay in hadafka askartan loo keenay uu yahay sidii ay dalka uga hir galin lahaayeen dimuqraadiyadda, una tirtiri lahaayeen maamulada islaamiga ah ee dabaqaya sharciga Allaah.

Shisheeyaha oo duulaankooda u adeegsanaya warbaahin, dhaqaale, milatari iyo kuwa kale ayaa ku guuleystay in badan oo kamid ah ahadaaftii ay usoo duuleen.

Libinta ay gaareen ayaa waxaa kamid ah:- in qofka Soomaaliga aanu maanta xor u ahayn todobo wax yaabood oo aaney la’aantood nolosha ku habooneyn, kuwaasoo kala ah.

1-Diinta

2-Ra’yiga

3-Kheyraadka bariga

4-Kheyraadka badda

5-Horumarinta dalka

6-Ilaha dhaqaalaha

7-Gurmadka muslimiinta kale

  • Diintaada kuma dhaqmi kartid, baddalkeedana waxaa laguu keenay dimuqraadiyad, qabyo qoraal iyo Aaliho baadil ah oo wax kuu xalaaleeya waxna kaa xaaraantimeeya (Baarlamaan).
  • Ra’yigaaga ma cabiri kartid, kama soo hor jeesan kartid waxyaabaha ay gaaladu wadaan, laakin iyagu kooda wey cabiri karaan waliba waxay ku jees jeesayaan diintaada.
  • Kheyraadka bariga dalkaaga kama faa’iideysan kartid, balse iyagu xoog ayey ku qaadanayaan, haddaad ka hadashana waa lagu dilayaa ama waa lagu xirayaa.
  • Sidoo kale kan baddaada ayaadan xor u ahayn in aad ka faa’iideysato, biyo kulul ayey maraakiibtooda ku furayaan doonyahaaga kalluumeysiga, halka iyaguna ay xaalufinayaan kheyraadka baddaada, marna ay sunta ku daadinayaan.
  • Haddaad ganacsade ama maal qabeen tahay dalkaaga ma horumarin kartid, waayo waxaa la diidayaa in dadku ka maarmo baahida hey’adaha shisheeye.
  • Haddaad muwaadin Soomaali tahay waxaa kaa xaaran in aad wax ka hesho xuquuqdii aad ku lahayd ilaha dhaqaalaha wadankaaga sida:- dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo meelaha lamidka ah oo ay gacanta ku hayaan shisheeyaha soo duulay.
  • Muslim dhibaateysan oo walaalkaa ah uma gurman kartid isaguna kuuma soo gurman karo, laakin gaaladu iyagu wey isu gurman karaan, iyagoo mid ah ayeyna kula dagaalamayaan sida kuwa hadda jooga dalkeena.

Haddaba markaan adduunyadeenii oo kaliya ku mashquulnay, jihaadkiina ka tagnay ayuu Allaah SW inagu salladay dulliga imika ina dul saaran sida uu horey inoogu sheegay Nabigeena Mumxamad NNKH.

Kama baxayno dulligan illaa aan u laabano Jihaad fii sabiilillaah, haddaan jihaadno oo aan noqono Jundiga Allaah, waxaan shaki ku jirin in aan guuleysaneyno oo aan lasoo noqoneyno xoriyaddeenii iyo sharafkeenii.

Allaah Subxaanahu watacaalaa wuxuu aayadda 172-aad ee suuratu saafaad inoogu sheegay in ay Jundigiisu guuleysanayaan, waxa intaa dheer fursad qaali ah oo uu heysto qofka maanta nool ee ay gaaladu kusoo duushay dalkiisa.

Allaah Subxaanahu watacaalaa wuxuu bixiyay ballan qaad ah in qofka mujaahidka ah uu u dhaafayo dambigiisa, sidoo kalana siinayo jannadiisa sida ku cad aayada 9-aad 10-aad iyo 11-aad ee suuratu Saf.

Somalia Islaambaad tahaye maqal Awaamiirta  ALAHA weyn.

Banaadir Post.

530408_539025386126636_538956961_n